SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shir-Gudoonka Golaha Guurtida Somaliland Oo Markii U Horreysay Yeeshay Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin Oo Gar-naqsio Ah.

    Posted by Sawnews.tk on January 17, 2010

    Hargeysa(Sawnews) Jan.17, 2010 – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Labadiisa Guddoomiye Ku Xigeen Sh. Axmed Sh. Nuux Furre iyo Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa maanta markii u horreysay kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa tan iyo markii khilaaf xoog lihi ka dhex aloosmay Golaha khilaafkaasi oo ka dhashay isku shaandheyn uu Ku Simihii Guurtida ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, uu ku sameeyay Shantii Guddi Hoosaad ee aqalkaasi ka koobnaa. Oo ay xildhibaanada mucaaridka ahi ka biyo diideen.
    Kulankan ay yeesheen Shirgudoonka Guurtidu ayaa socday muddo dhawr saacadood ah lamina garanayo wax natiijo ah oo ka soo baxay kulankaasi la isku raagay oo yididiilo iyo dawo u noqon kara khilaafka kala qeybiyay Aqalkii odayaasha ee inta badan loo nisbeyn jiray guulihii Somaliland ka soo gaadhay nabadeyntii iyo khilaafaadkii siyaasadeed ee dalka soo maray.

    Xarunta Goleyaasha baarlamaanka Guurtida iyo Wakiilada ayaa saaka maalintii labaad la dhoobay ciidan aad u tiro badan waxaana la xidhay wadooyinka ku gadaaman Golaha iyadoo Saxaafadana loo diiday inay gasho xaruntaasi.

    Fadhigan shirgudoonka Golaha Guurtida ayaa la sheegay si weyn loogu falan qeeyay xudunta khilaafka Guurtida iyo awoodaha shirgudoonka.

    Waxaana sida warar lagu kalsoon yahay ay Shabada Ramaas News u sheegeen in Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre iyo Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Siciid Jaamac Cali, ay si adag ugu doodeen inay xaq u leeyihiin inay isku shaan dheeyaan Guddi hoosaadyada waxaana warkaasi intaasi ku darayaa in Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan uu isna difaacay hadalkiisii la xidhiidhay inaanu Ku Sime samayn  Karin wax isku shaandheyn ah. Hase yeeshee waxay labad dhinac sida la sheegay ay ka midaysnaayeen in khilaafaadkooda lagu xaliyo oo loo maro wada hadal iyo isqancin.

    Ramaasnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: