SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen jaliyadda Awdal,Salal iyo Gabiley ee Magalada Ottawa oo ka dhacay Ottawa kaasi oo looga soo hor jeeday iibsiga sharci daradda ah ee laba jasiiradood.

    Posted by Sawnews.tk on January 17, 2010

    Kulan balaadhan oo ay isugu yimadeen Jaliyadda Awdal,Salal iyo Gabiley  ayaan maanta waxa uu ka dhacay magalaada Ottawa,  kulaankasi oo looga hadlayay sidii tageero hiil iyo hooba ah loogu tageerii lahaa Salaadiinta, cuyqaasha iyo aqoonyahanka goboladda awdal,Salal iyo Gabiley.  kaasi oo ay uga hor jeedaan iibinta labada jasiiradood ee Sacadiin iyo Ceebaad, oo waaydanba muran xoogan ka tagnaa. Kulanka maanta ka dhacay maglaada Ottawa ee dalka Canada oo ahaa mid si balaadhan ay uga soo  qayb galeen Aqoonyahanka, haweenka, dhalinyarada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Jalliyada Awdal/salal iyo Gabilay ee Magaladdan Ottawa.

    Kulan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo abaabula waxa uu ahaa ujeeddadiisu ahayad  sidii loo tageeri lahaa salaandiinta iyo aqoon yahay goboladda ay ka soo jeedaan,  waxay si wada jir ah isgu raceen in wax lala yaabana  ku tilmaameen in loo diido Salaadiinta iyo cuqaasha inay soo booqdaan jaziiradaha sida sharci daradda ah loo iibsaday.

    Waxa kulankaasi laggaga  waramay tariikhda labada jaziiradood iyo guud ahaaba tariikhda gobolada ay jaaliyaddu ka soo jeedo, ugu dabayntii waxa la isku raacay qodobadan hoos ku qoran

    • In la jaaliyadda Ottawa ee  Goboladda kor ku xusani ay taageero dhan walba ah ay la garab taagan yihiin  Salaadiinta iyo cuqaasha.
    • In ay joojiso dawladu iibsiga sharci daradda ah ee laba Jaziiradood
    • In la sameeyo kulan joogta oo looga arinsanayo xaaladaha hada ka tagan Gobaladda ay Jaliyaddu ka soo jeedo .

    Si kastaba ha ahaatee Kulankani  waxa uu gogol xaadh u yahay kulana is daba jooga ah oo dhici doona malmahan soo socoda hadii alle Idmo.

    Sawnews Ottawa office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: