SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Komishanka iyo Madaxda Xisbiyada oo ka wada-hadlay xulista Hawl-wadeenada Doorashooyinka iyo Caqabadaha Horyaala

    Posted by Sawnews.tk on January 17, 2010

    “Dadku waxay is waydiinayaan goormay Doorashadii dhacaysaa Su’aasha imika adag ee Qof walba uu is waydiinayo ee aan laga jawaabi karayni waa taa” Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE
    gudoomiyaha-koomishankaHargeysa (Sawnews) Guddida Doorashooyinka qaranka ayaa la sheegay shalay inay madaxda Xisbiyada kala hadleen hawlgal ay beryahanba ku naadinayeen inay ku qoraan hawlwadeenadii ka shaqayn lahaa hawlaha Doorashada oo ay ka hor kulankaasi soo saareen xubintii ugu muhiimsanayd hawlwadeenada Doorashada oo ah Agaasimaha Xogta Diiwaan galinta oo uu ku guuleystay Ibraahim X Diiriye Gam-gam

    Kulankaasi la sheegay inay shalay wada yeesheen Guddida Doorashooyinka iyo Madaxda  Axsaabta ayay ilo wareedyo  ku dhawdhaw oo aanu la xidhiidhnay  noo sheegeen in xubanaha Komishanku ay Masuuliyiinta Xisbiyada ugu soo bandhigeen inay kaalintooda ka qaataan qaabka iyo talada lagu xulayo shaqaalaha heer Gobol iyo heer Degmo oo la filayo inay toddobaadkan safaro kala duwan oo ay ugu baxayaan Gobolada iy Degmooyinka ku soo samaynayayaan shaqaalihii ka hawlgali lahaa taasoo loo baahan yahay inay Xisbiyada iyo dadka goobahaas degaaba ay kalsoonidooda siiyaan.

    Hawgalkan ay guddida Doorashadu ku xulayaan hawlwadeenada Doorashada ayaa ahayd mid muddoba socotay iyagoo saxaafadda ku soo bandhigay jagooyinka ay u baahan yihiin kuwaasi oo ay Guddida Doorashadu awood u leedahay xulistooda iyagoo u maraya shuruucda Doorashooyinka, waxaanay u magacaabeen fulinta hawshaasi saddex xubnood oo ka mida toddobada xubnood oo kala ah Faarax Abiib Aadan, C/fataax Ibraahim iyo Maxamed Axmed Xirsi kuwaasoo awoodda saaraya inay keenaan dad u qalma shaqada loo dirayo isla markaana leh karti iyo aqoon .

    Hase ahaatee waxa dad badani ay isweydiiyaan qaabka ay u socoto hawshaasi iyadoo ay banaan yihiin jagooyin kala duwan oo muhiim ah oo loo baahan yahay in dadweynaha loo wada bandhigo iyadoo la isla dhex marayo inay qaarkood u magacaabeen si ka duwan sifihii sharciga ahayd oo ay toddobadda xubnood isku afgarteen inay qaataan dad ay ku door bideen iyaga oo aan shaacinin, waxaana la filayaa inay ka hor yimaadaan caqabado kala duwan oo ka dhasha saami qaybsiga goobahaasi oo abuuri kara muran sidii komishankii horeba ku dhacday sidoo kale waxa jira daymo ay leeyihiin dadkii ay Komishankii hore hawgaliyeen kuwaasoo lagu leeyahay kirooyinkii iyo kharashkii ay isticmaaleen oo aanay komishankan cusubi waxba ka qaban.

    Kulanka shalay oo aanay labada dhinac midkoodna wax war ah ka soo saarin ayaa ku soo beegmay wakhti la filayay inay dalka dib ugu soo laabtaan khubaradii laga sugayay hawlgalka Serverka oo ay Guddida Doorashooyinku sheegeen inay imanayaan badhatamaha bishan aynu ku jirno taas oo aan la garanayn inay ka wada hadleen iyo inkale iyadoo ay soo baxayaan walaac ka dhashay wixii la filayay oo ahayd inay hawsha Server ku wakhtigan gabo-gabo ahaato

    Dhinaca kalena waraysi aanu kala yeelanay Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Ucid Aadan Maxamed mire, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Keyse Xasan Cige iyo Agaasimaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga Udub sida ay u arkaan qaabka ay u socoto sahaqada Guddida Doorashooyinku ayaa ka bixiyay aragtiyo kala duwan oo iska soo horjeedda iyagoo labada Masuul ee Udub iyo Ucid ka gaabsaday dhaliilaha lagu naqdiyo shaqada Guddida Mudadii ay xilka hayeen balse Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ayaa isagu tafsiir ka bixiyay aragtida uu ka qabo hawshooda waxaanu yidhi “Anagu mar walba waanu bogaadinaynaa Koomishanka waanu Taageeraynaa wixii hawl-qabad ah ama Dadaal ah ama hore ha u sameeyeen ama imika hasamaynayaane.

    Hawlo badan oo wanagsan way qabteen way dadaaleen ilaa iyo hada way midaysan yihiin siday u dhan yihiin waa isku cod, haseyeeshee Dadku waxay is waydiinayaan waxa weeyi goormaa la codaynayaa, goormay Doorashadii dhacaysaa Su’aasha imika adag ee Qof walba uu is waydiinayo ee aan laga jawaabi karayni waa taa, markaa anagu ka xisbi ahaan horta waa sidaan kuu sheegay uun shaqada waanu ku bogaadinaynaa

    Laakiin waxaad moodaa in wakhtigu uu kala yar baxay, kala yara fogaaday, hadda Bishii Afraad baa la galay maalintii hawsha la bilaabay marka la eego, waxa la filayay in hada ay hawshuba dhamaato ama la helo Time Line kii wakhtigii hawsha la bilaabayay iyo wakhtigay dhamanayso in la ogaado, ilaa haatan lama yaqaano, Doorashana may dhicin wakhtigiina lama yaqaano Nimankii loo xil saaray ee Khuburada ahaana ilaa iyo hada wax ay keeneen oo cad oo qoraal ahi ma jiro, dhawr jeer way faro galiyeen baa la yidhi oo way eegeen hasa yeeshee imika warbixintii u danbaysay ee gudida Komishanku sheegeen waxay yidhaahdeen Qalab bay doonanayaan dabadeedna hadhaw bay imanayaan Todobaadkana hawsha way galayaan, deedna Su’aal kale ayaa imanaysa oo odhanaysa marka ay imika hawsha galaan intee in le’eg bay ku jirayaan kol haday Bishii Afraad marayso imika”

    Waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: