SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ahmed Silanyo Oo Si Balaadhan Logu Soo Dhaweeyay Minnesota

    Posted by Sawnews.tk on January 17, 2010

    Kulimiye Minneapolis visit 01172010 059_1 by you.(Sawmews Minnesota MN USA) Maanta saacadu markii ahayd 1120 AM wakhtiga Central time ee woqooyiga Maraynkan, ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ee MSP ee Minnesota ka soo degey waftigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Mohamed Siilaanyo isla markaana ah Musharaxa Madaxweynaha Jamhuuriyada S/land , waftiga waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey boqolaal qof oo ah jaaliyada S/land ee degan Minnesota oo ay horkacayaan gudida iyo taageerayaasha xisbigu , Xubnaha weftigu waxay mid midn u gacan qaadeen dadweynhii tirada badnaa ee ku soo dhoweeyey garoonka markaa ka dib waxaa loo gudbiyey waftiga Hotelka Hilton ee ku yaal badhtamaha magaalada Minneapolis oo ay ku sugnaan doonaan inta ay joogaan Minnesota.

    Galabta Saacadu markay tahay 4: 00 galabnimo waftigu waxay kala qayb geliyaan Jaaliyada S/land ee Minnesota iyo madax ka tirsan Gobolka Minnesota kulan isugu jira soo dhoweyn iyo xog waran oo ka dhici doona Hilton Hotel Minneapolis.

    Kulimiye Minneapolis visit 01172010 059_1 by you.
    Xubnaha weftiga gudoomiyuhu hogaaminayo waxaa ka mid ah Dr. Maxamed Cabdilah Cumar oo ah xoghaya arimaha dibeda ee Cisbiga Kulmiye iyo marwo Amina Weris oo ah marwada Gudoomiyaha iyo Husein Abdi Duale oo ah Gudoomiyaha woqooyiga America oo waftiga kaga soo biiray Washington DC.

    Wixii warar ah ee ka soo kordha booqashada waftiga inta ay joogaan Minnesota waxaanu idinla soo socodsiin doonaa saacadaha soo socda

    Halkani guji si aad u daawato sawiradda

    Saeed Suleiman
    Guul iyo Gobanimo

    Somaliland.ORG
    Minnesota MN USA

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: