SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ciidamadda Booliska ee Degmadda Wajaale oo Shalay Galab Gacanta ku dhigay Gacanku-dhiigle Qarxiye iyo nin kale oo magaciisa la aqoosan

    Posted by Sawnews.tk on January 15, 2010

    Hargeysa(Sawnews)- Ciidamadda Booliska iyo Amaanka ee Degmadda Wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa Maanta(Shalay) Saacaddu markay ahayd 4:30 kii Gacanta ku dhigay Nin Lagu magacaabo Mr. Qarxiye oo  ka mid ahaa Ragii Fuliyey Dilkii Jidgoynta ahaa ee lagu laayay Ganacsatadii iyo aqoon yahano  Reer Boorame ee Safarka ku jirtey .
    Mr Qarxiye oo Horena ay Ciidamadda booliska ee Gobolka Gabiley ay Isku dayeen inay Ka qabtaan Magaaladda Gabiley ayaa wakhtigaasi aan lagu guuleysan Qabashadiisa ka dib markii uu tacshiiraad ka hor geeyay ciidanka booliska balse galabta waxaa si lama filaan ah  ah loogu qabtay Magaaladda Wajaale isaga iyo Nin kale oo aan weli la aqoonsanin Magaciisa waxaana labadaba Gacanta ku haya hadda Ciidamadda Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland .

    Xaaladda Magaaladda Wajaale ayaa ahayd Caawa(xalay) mid aad u deggen ka dib markii Maalmihii ugu danbeeyay ay Hawlo dheeraad ah oo lagu sugayay Amaanku ay ka aloosnaayeen .
    Magaaladda Wajaale oo ah Marinka Xadka ay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa ah Goob ay labadda dal ee Itoobiya iyo Somaliland Amnigeeda iska kaashadaan.

    Sawnews.tk

    Borama Office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: