SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wariye Dahir Ahmed Jirde oo Xabsiga Magaalada Saylac loo Taxaabay Saacado ka dibna Xoriyadiisii Loo soo celiyey

    Posted by Sawnews.tk on January 14, 2010

    Wararka aanu ka helayno magaalada Saylac ee xarunta u ah gobolka cusub ee Sallel ayaa sheegaya in Weriyihii Shabakadda Saylac.com Daahir Ahmed Jirde  in mudo ah ba ku sugnaa Magaalada Saylac xabsiga loo taxaabay.
    Warar lagu kalsoon yahay ayaa wax ay sheegayaan in uu ka danbeeyey xardhiga wariyaha Maayarka Magaalada Saylac  Maxamed Cumar Cawad.
    Wariye Jirde ayaa maalmihii u danbeeyey soo gudbinayey warar ku saabsan Jasiiradaha Sacadiin iyo Ceebaad sidoo kalena ku gudo jiray filim documentary ah oo uu kasoo qaadayey xeebaha Selel gaar ahaan Jasiirada Sacadadiin oo dhawaan muran ka dhashay. Wariye Dahir Axmed Jirde ayaa sida la sheegay waxa handaday gudoomiyaha degmada Saylac Maxamed Cumar Cawad isla markaana jeelka dhigay isagoo u aanaynaya wararka uu ka duubay xeebaha Selel oo sida uu gudoomiyuhu sheegay aanu wariyuhu xaq u lahayn inuu filimaan ka duubo dhulaan dawladu u ogolaan.
    Saacado ka dib ayuu Wariye Jirde loo soo celiyey Xoriyadiisii hadana waxa uu ku sugan yahay Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Salel.

    Mar aan kula xidhiidhay khadka telefonka  ayaa waxa uu ii xaqiijiyey Xidhitaankiisa iyo waliba xoriyadiisa dib loogu soo celiyey.
    Sidoo kale wax uu ii sheegay  in uu  hawshiisa sii wadan doono iskuna dayi doono  intii karaankiisa ah inuu xaqaa’iqa iyo wacyiga gobolka Selel  soo gudbin doono.

    Abdiaziz M . Elmi
    Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: