SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shirkii Jaraa’id ee Cuqaasha Gobolka Awdal iyo Salal oo Noqday ( Lafo Maroodi iyagaa Laysku Jabiyaa)

    Posted by Sawnews.tk on January 14, 2010

    Maalmihii u danbeeyay  ayaa ay cirka  isku shareertay arinka jasiiradaha Sacadiin iyo Ceebaad taasina waxa ay ka danbaysay markii xukuumada Daahir Rayaale ay is hortaagtay booqasho ay Salaadinta Awda iyo Salal doonayeen inay ku tagaan Jassiradahasi ,iyagoo ahaana  xaqiiqo raadis iibkii la sheegay in la iibiyay Jasiiradahaasi,   aakhirkiina lagaga dhananeeyay Salaadiintii in ay bada cagaha galiyaan.

    Maalmo ka bacdina waxay dib ugu soo laabteen iyagoo cagaha jiidaaya  magaalada Borama , waxana ay shir jaraa’id ku qabteen Hotel Rays waxana ay kaga war bixiyeen socdalkoodii ay ku tageen saylac iyo waxii ka qabsaday,waxaana meesha ka baxday in salaadiinimo loo tixgaliyo iyo cuqaal ahaan , waxana loo cuskaday cudud mulatari .

    Sikastiba ha ahaatee intaasi kabacdi ayaa waxaa  shirjaraa’id iskugu yimid Cuqaal iyo oday Dhaqmeedyo kuwaasi oo sheegay in uu shirkooda jaraa’id  iskugu jiro Jawaab celin ,taageero iyo dhaleecayn , in waa marka hore ay taagersanyihiin salaadiintii tagay Saylac , ayna sheegeen inay yihiin salaadintii labada gobol , ayna yihiin kuwa ka mas’uul ah bulshada labadaa gobol ayna matalaan. Sidoo kale waxay  dhalaceeyeen sidii foosha xumayd ee loola dhaqmay Salaadintaasi  la iskana hor istaagay in ay booqdaan  jasiiradahaasi, waa Sacadiin iyo Ceebaade , waxana ay intaasi ku dareen in cidna ruqso uga qadaynin tagitaalka meel kaste oo ka mid ah labadda gobol.

    Waxay Sidoo kale jawaab celin u tahay wasiirka xidhiidhka golayaasha Qaranka dawaan hadalkii  kazoo yeedhay  , sheegayna in aan la joogin wakhtigii Cuqaashu talinayeen lagana soo gudbay wakhtigoodii .

    Isku soo wada duuboo maalin kadib ayaa waxaa iyaguna sheegay inay shirjaraa’id qabanayaan cuqaal  kamida kuwii shirkaasi joogay oo sheegay in la soo afduubay

    Aanan loo sheegina  waxaa shirkaasi jaraa’id yahay ,ayna diidan yihiin hadalada qaarkood Oo ay u arkeen in shakhsi gaara wax lagaga sheegaayo , ayna midaasi ahayn  wixii ay meesha utageen , balse ay yidhaahdeen waxaa naloo sheegay in uu yahay shirkaasi jaraa’id mid lagaga hadlaayo jidgooyo dhawaan la sheegay in ay qawlaysatadii dib u soo rogaal celiyeen ayna baabuur ku baadheen dariiqa u dhaxeeya Dila iyo Gabailay .

    Si kastiba ha haatee shirkaasi jaraa’id oo suura gali wayay sobobo buuq  ka dhex dhashay, Cuqaashii oo loo arkay in ay is daba furayaan ayaan qabsoomin ,balse sida nagu maqaalaha ah in ay waraaq u direen shabakadda Harowo kana dhigayaan in shir Jaraaid la qabtay kana hadleen suldaan ka soo hor jeeda kuwii hore u hadlay, Waxase Hubaal ah in uuna qabsoomin shirkaasi Jaraaid.

    Waxaa taa iyana xigtay in Caaqil kamida cuqaashii shirka jaraa’id qabtay dharaartii hore ay habeeniadii gurigiisa tageen askar kadibna xabsiga lo taxaabay , waxaana xadhigaa Caaqilka ka danbeeyay Badhesaabka Gobolka Awdal oo sheegay in uu u waramay idaacada horyaal waa sida hadalka uu u dhigaye. Waxase hubaal ah marka ay ku murgto arintu xukuumadda Dahir Rayaale ay isku daydo sidii ay u kala jabin lahayd Salaadiinta iyadda oo adagysanaysa wax kaste oo ay ku suura galin karto kala fogaynta Salaadiinta iyo cuqaasha.


    Sawnews.tk


    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: