SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • WAAYAHA KU GEDAAMAN DHALINYARADA G/AWDAL By: Idiris Farah Mussa

    Posted by Sawnews.tk on January 13, 2010

    Dalkasta dhaqaalihiisu waxa uu ku xidhan yahay khayraadka dadka ee uu Ilaahay ku manaystay iyo cilmiga iyo aqoonta farsamo ee dadkiisu leeyihiin.Aqoontaasi oo hadii si togan looga faa’iidaysto keeni karta horumar dhinaca dhaqaalaha oo hor leh.Sidaa darteed waxa aynu wada ogsoonahay in xoogga horseedi kara in horumar yimaad ay tahay aqoonta ay leeyihiin dhalinyaradiisu.

    Nasiib wanaag waxa dalka ka curtay Jaamacaddo badan oo ay horseed u ahayd Jaamacadda camuud oo albaabada loo furay bishii November-04-1998,taasi oo iftiin nololeed u noqotay Soomaliland iyo Soomaliyaba.Waxaanay soo noolaysay aqoontii loo tegi jiray dalka dibadiisa,waxaana ka soo baxay dhalinyaro badan oo buuxiyay kaalimihii banaanaa ee waxbarasho iyo caafimaad.Mudo kadibna waxay noqotay in ay soo kordhaan Jaamacaddo badan sida jaamacadda Hargeysa,burco iwm.Waxayna dadku ogaadeen in nabadgelyadu abuuri karto waxkasta oo horumar ah hadii ay dadku isku geeyaan maskaxdooda,muruqooda iyo maalkooda aaminsanyihiina inay wax samayn karaan.

    Hadaba waxaan uga socdaa maqaalkaygani sanad walba waxaa ka soo baxa dugsiyada sare ee G/awdal ardey lagu qiyaaso ilaa 500-600 , halka dugsiyada hoose dhexe ay ka soo baxaan 950-1,200  oo ardey,ardeydani waxaa fursad jaamacaddeed hela oo awooda in ay iska bixiyaan fee-da jaamacadda ardey lagu qiyaaso ilaa 400,inta kale waxay noqdaan kuwo dhaqaale ahaan awoodi waayay waxaanay inta badan ku hamiyaan in ay dalka ka tahriibaan.Dhinaca kale waxaa jaamacadda camuud ka soo qalinjabiya kuliyadaheeda kala duwan sanad walba  ardey dhan 400 ilaa 500,waxaana fursad shaqo hela waxyar oo ilima qabatay ah oo ka hawlgala hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha wadaniga ah (LNGO’s).

    Siddaa darted tan iyo intii la furay jaamacadda camuud waxaa ka qalinjabiyay ardey badan oo aan la qiyaasi Karin waxayna inta badan  ku sugan yihiin camal la’aa (Jobless) taasina waxay dhaxalsiisay in tahriibaan si ay u raadiyaan nolol tani dhaanta taasi ayaa sababtay in dhalinyaro badani badaha isku biimeeyaan,halka qaarna ay ku xidhan yihiin jeelasha wadamada jaarka ah.Waxaad arkaysaa oo maalin walba dhacda in dhalinyaradii dugsiyada dhexe dhiganaayay inta ay fee-da iskuulada isku darsadaan ay ku tahriibaan iyaga oo kooxo ah ,taasi oo waalidiintoodii ku riday cabsi badan.Inta badana laga war helo iyaga oo ku xidhan xududaha wadamada jaarka ah sida Ethiopia iyoDjibouti.

    Waxaana dhacda in tahriibkani isku badalay wax la yidhaahdo (Human Trafficking) oo ah marka qofkii tahriibo oo uu gaadho xuduudaha in ay la wareegaan daka ka ganacsada xuduudaha ee loo yaqaano (Xuduud-Dhaafiye) kuwaasina ay ku sii wareejiya kuwo kale taasina ay noqotay in qofkii ikhtiyaarka lahaa ee u qastiyay tahriibku uu noqdo qof laga ganacsado ilaa uu ka gaadhaayo halka u danbasa.Qaarkood waxaa ku dhaca jidh dil,kufsi,xadhig waxaana ugu nugul gabdhaha oo la kulma tacadi badan.Waxaana qofka laga qaadaa qadar lacageed oo uuna awoodi Karin.

    Arinkan tahriibku waxa uu sababi karaa in xaaluf aqooneed dalka ka dhaco oo ay lumaan dhalinyaradii aqoonta lahayd ee noqon lahayd madaxdii  mustaqbalka ee bari.

    Sababaha kale ee dhiliyay tahriibka waxaa ka mid ah dhalinyaradii oo ka maqan taladii dalka.taasina waxay u baahan tahay fiiro gaar ah iyo in dib wax la isku waydiiyo.

    Si kale markaad u eegto inta maamulka dalka gacanta ku haysa iyo inta ku hamiyaysa inay qabtaaniba ama ku tartamaysaayiba waa dadkii wax ku soo bartay dalkii Soomaaliya ama ka soo shaqeeyayba.Waxaase aan wali la isba waydiin wax fursad ah ma la siiyay dhalinyaradii dalkani waxku bartay.Sababta waxaan waydiinayaa inta qabta fikirkaygani oo kale/?. Waxa kale oo caqabad kale noqotay in iyana ay hay’adihii caalamiga ahaa ku urureen caasimada Hargeysa,taasina ay fursad siisay inta badan cidii ka ag dhaw.

    Ugu danbayntii waxaan ku soo gabogabaynayaa maqaalkaygan qodobdan hoos ku qorn:-

    • In dhalinyarada loo abuuro shaqooyin ay ku xasilaan
    • In la xoojiyo barnaamijyada wacyigalineed ee lidiga ku ah tahriibka
    • In la abuuro dugsiyo farsamo gacmeed ah oo ay galaan dhalinyaradii jaamacaddaha awoodi wayday.
    • In la xoojiyo dugsiyada farsamada gacanta ee ay ururada samofalku wadaniga ahi ay gacanta ku hayaan
    • In hay’adaha caalamiga ah ee ku urursan caasimada looga furo xafiisyo (sub-office) gobollada kale ee dalka si dhalinyaradu uga hesho camal
    • In sharci laga soo saaro dadka ajaanibka ah ee buux-dhaafiyay shaqooyinkii ay heli lahaayeen dadka wadaniga ah ee aqoonta u leh.
    • In tijaarta dalku abuuraan fursado shaqo oo ay dhalinyaradu helaan,waayo dadka u badan ee ay u shaqeeyaani waa dhalinyarada.
    • In dhalinyaradu ku fikiraan sidii ay shaqooyin u abuuran lahaayeen.
    • In saddexda xisbi qaran ee talada dalka ku tartamayaa ay barnaamijkooda ku daraan  waxyaabaha ay u qabanayaan dhalinyarada dalka.

    Maqaalkani waxaa Qorey

    Idiris Farah Mussa

    Youth Activist

    Mobile: 4456375

    Email:tiigsi@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: