SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dr. Maxamed-Rashid oo Xaflad Balaadhan oo Soo Dhawayn ah loogu Qabtay London + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on January 13, 2010

    Xisbiga Ucid oo shirbalaadhan ku qabtey galbeedka magalladan London shirkaas oo ku saabsanaa  soo dhaweyn iyo xogwaraysi  gudoomiye ku xigeenka ahna musharaxa madaxwayne kuxigeenka Dr Mahamed Rashiid Sh.Hasan shirkaas oo ka dhacay Hoteelka Idman.

    Ugu  horayn waxa lagu furay Aayado Quraana oo uu halkaa ka akhriyay Dr Abokor Egeh Faahiye,intaa ka dib waxa hadalo kooban oo soo dhaweyn ah madasha ka akhriyey  Gudoomiye ku xigeenka Uk Koosaar Caydiid  Abdi isagoo sheegay in Gudoomiyihii Uk Ibrahim Rashiid oo lug ka jabay isagoo salaan qiima badana ka sida intaas ka dib waxa hadalkii kusoo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka Dr Maxamed Rashiid sh Hasan si diiran ugana waramay wax qabadka Uk iyo halka ay wax marinaya.

    Waxa isna madasha ka  hadlay warbixin koobana ka bixiyey Maxamed Ibraahim Adan ahna Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo xidhiidhka gobalada waxa uu xoghayuhu  aad ugu mahad naqay gudoomiye ku xigeenka  kasoo qaybgalka xafladan isagoo intaas ka dibna warbixin kooban ka siiyey  siyaasada guud ee xisbiga isagoo sheegay  in dhawaan gudoomiyaha xisbigu ahna musharaxa madaxwaynuhu Eng Faisal Ali  Faarax uu tagayo xarunta midowga Yurub ee (Brussels)maalmaha fooda inagu soo haya.

    Intaa kadib waxa hadalkii qaatay gudoomiye ku xigeenka ahna musharaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga Ucid, Dr Maxamed Rashiid Sheekh Hassan “bismilaahi raxamani raxiim waxay ii tahay farxad sida sharafta iyo qiimaha leh ee aad ii soo dhawayseen aadna waan idinka mahahadcelinayaa Dr Maxamed Rashiid ayuu hadalka ku bilaabey intaas ka dib wuxu si qoto dheer uga waramay siyaasada xisbigu ku hagi doono wadan hadii uu u ku guulaysto wadanka doorashad ka dhacaysa xisbiga Ucid wuxu keenay isbedebel(vission) fikir cusub Soomaalilandna waxaanu doonaynaa inay noqoto wadan nabada wanaagsan dhaqaalihiisu kobco oo aduunka ka hela aqoonso isagoo ku tilmaamany dawlada maanta jirtaa way ku guuldaraysatay inay dhamaystirto hayadihii dawlada,waxa kaloo sheegay gudoomiye ku xigeenku in xisbiga Ucid yahay xisbi casri ah oo ka duwan xisbiyada kale

    isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi godoomiye ku xigeenku xisbigu wuxu dalka ku dhaqayaa aragti Islaam ah oo ixtiraam leh dhaqan iyo caadooyin leh xadaradaha waawayn ee aduunkuna ku jiraan oo ay ka mid tahay dimuqraadiydu,isagoo tusaale u soo qaatay dimoqraadiyada Britishka iyo halka ay soo martay.

    intaa wuxuu ku daray Gudoomiye ku xigeenku Dr Maxamed Rashiid Sh Hasan in Allah u naxariistee Soomaliland uu dhidibada u taagay madaxweynayaashii kan ka horeye.

    Waxa kaloo halkaa ka hadlay Abdilaahi Hasan Camay Xoghayaha Xisbiga Ucid ,Mustafe Abdilaahi Aadan Xoghayaha Siyaasada ,Mustafe Ismail Ahmed(kanadi)gudoomiyaha london Hasan macalin xubin fulinta saeed omar gudoomiyaha europe ,gudoomiyaha garabka europr caasha marakan gudoomiya garabka uk haween kaltuun ibraahin mooge

    hibo abdi alli barkhad xidhiidhka uk amni maxd ali xubin saynab saxardiid ,xasan cunaaye gudoomiyaha dhalinyarad london.

    hadalkii waxa soo gabagabeeyay xoghaya arimaha gudaha maxd ibraahi shirkiina uxu ku dhamaaday guul.
     

    Hamse Ahmed Salaan

    London

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: