SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xukumada Dahir Rayale oo habeenkii xalay saladiin reer Adal ah jeelka Borama u taxaabtey .

    Posted by Sawnews.tk on January 12, 2010

    Borama(Sawnews)Sadex Suldaan ayaa guryahooda ciidamada CID da xukumada Dahir Rayale xalay ugu dhacday si ay jeel ugu taxaabaan Saladii dhawra oo dhawaan socdaal isku dayey inay Jasiirada Sacadadiin ku tagaan balse laga horjoogsaday. Ciidamada CID da ayaa waxay ku hungoobeen guryaha laba sudlaan balse gacanta ku dhigay  Chief  Caaqil Sh. Maxamuud Sh. Cabdiraxmaan Muuse (Ina Xoog-Badane) oo ay xukumada somaliland ku eedaysay nin Mayal adag oo arimaha sacadadiin u ololaynaya.

    Chief Caaqil Sh. Maxamuud Sh. Cabdiraxmaan Muuse (Ina Xoog-Badane) ayaa laba casho horteed shirjaraa’id oo uu ku qabtey isaga iyo dhawr  Suldaan oo uu ku jiri waxay si weyn ugu dhaliileen xukumada Dahir Rayale oo horjoogsatey wada hadal uu dhexdhexaad ka ahaa Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilahi oo dhex mari lahaa Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland iyo Saladiinta gobolka Awdal ee laga horjoogsadey tagitaanka Jasiirada Sacadadiin.

    Sida aanu wararka ku helay Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland ayaa gashaanka ku dhuftey inuu wax wadahadal ah ama xaalmarin intana ka bixiyo hor istaaga salaadiinta Awdal ciidamada Somaliland ka horjoogsadeen socdaalkoodii Sacadadiin.

    Arintan ayaa waxay dhalisey inay dhawr suldaan oo uu ku jiro Chief Caaqil Sh. Maxamuud Sh. Cabdiraxmaan Muuse (Ina Xoog-Badane) oo kasoo jeeda Beesha Maxamuud Yonis (jibril yonis) ay cadho weyn ka muujiyaan sida khaldan ee uu Dahir Rayale u yaraysanayo Saladiinta gobolka Awdal. Chief Caaqil Sh. Maxamuud Sh. Cabdiraxmaan Muuse (Ina Xoog-Badane) ayaa la sheegay ka hor intaan jeelka la dhigin inuu khadka Telefoon kula hadlay Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland isagoo u sheegaya in Saladiinta Awdal yihiin kuwii madaxweynaha Mansabka uu ku faanayo geeyey isla markaana ayna u dulqaadan doonin cago juglayn lagula kaco.

    Suldaan Daahir Cismaan Cilmi oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino xadhiga Caaqilka ayaa isaga oo Boorama jooga waxa uu u sheegay Saylac.com in xadhiga Caaqilku daba ku hayo shir jaraa’id oo ay dhawaan ku dhaliileen qaabkii lagu iibiyay jasiiradaha Ceebaad iyo Sacaadadiin iyo shir jaraa’id oo ay qabteen ka dib markii ay ka soo laabteen jasiiradahaas oo laga hor istaagay inay booqdaan iyo ta ugu daran oo ah in Chief Caaqil Sh. Maxamuud Sh. Cabdiraxmaan Muuse (Ina Xoog-Badane) iyo madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland khadka telefoon isku weydaarsadeen hadalo qalafsan.

    Waxa uu suldaanku intaa ku daray in shalay CID-da xafiiskeeda Boorama looga yeedhay isaga iyo Caaqilka la xidhay su’aalana laga waydiiyay shirkaasi jaraa’id iyo waxyaalihii ay kaga hadleen.

    Waxa uu ayaan-daro ku tilmaamay Suldaan Daahir Cismaan Cilmi Saylac.com u waramayay inay laysku xidho xoriyatul-qawlka distoorkeenu sharciyeeyay, waxaana uu tilmaamay inay dawlada ku daba jirto oo ay rabto xidhitaanka  Suldaan Daahir Cismaan Cilmi laftiisa  iyo laba suldaan oo kale oo aanu magacaantooda noo sheegin.

    Dhinaca kale Suldan Baade ayaa la sheegay inuu u baxay degaanka weeraar inyar ka hor wakhtigii ay CID du guryaha Saladiinta AWdal baadhayeen.

    Hadaba waraysi ku saabsan  xidhniinka Saladiinta AWdal iyo waxyaabaha kusoo kordha dib ayaanu idinka soo gudbin doonaa.

    Saylac.com  Borama Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: