SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gudidda Ururka Awdal Road Race shirkii ugu horeeyey sanadkan cusub 2010 yeeshay

    Posted by Sawnews.tk on January 12, 2010

    Gudidda Ururka Awdal Road Race  shirkii ugu horeeyey sanadkan cusub 2010 ku yeeshey qadka telefonka maalintii Axada bisha January 10.
    Ujeeddada shirkaasi oo aha sidii kor logu qaadi lahaa sportiga ciyaaraha fudud gaar ahaan orodka Awdal ka caanka ee 10km ee sanad waliba ka dhaca Borama.
    Waxa shirka hadalka furey Mohamed Idka oo ah hormodka iyo madaxa ururka Awdal Road Race. Gudomiyee Idka waxa u sheegey faa’ iidada ku jirta orodka iyo guud ahaan sportiga iyo kaalinta looga baahan yahay qurba jooga Awdal iney ka qaatan horomarinta dhalinta gobolka,  isaga oo hadalka watana waxa u yidhi” waxa wanagsan oo waajib ah in qof waliba dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto intii karaankiisa ah  khsasatan waxa weeyi in quwada la saaro  dhalinta oo ah runtii ubax iyo madaxda berito” Mudane Idka isaga oo hadal sii wata waxa u yidhi ” dhalinta Awdal maanta waxay marayaan xaal aan cidna u maqneyn ceelna u qodnayn”
    Waxa kale oo shirkaasi ka hadley Qaasim markad oo ah gudomiya ururka ee dalka france. Qasim waxa u carabka ku dhuftey faa’iidada laga gadhey 5tii sano ee orodka lagu qabtey Borama. Waxanu yidhi ” odhan maayo wax weyn ayaanu qabaney balse waxan hubaa in wax weyni inoo hadhsan yahay” mudane Qasim waxa u sheegey ilaa iyo intii orodka la qabtey waxa magalada Borama laga arkaya in dhalintu soo xiiseneyso sportiga khasatan orodada. Qasim wuxu ku sheegey faa’iidada ugu weyn ee la gadhey in maanta dhalintii reer Awdal ay caalamka ka ordaan, waxanu carabka ku dhuftey orodyahan Saleeban oo hada u orda dalka aan jaarka nahay ee djibouti. Saleeban oo ah xidiga orodyahanada Djibouti ayaa dhawaan kasoo qeyb galey orod ka dhacay dalka talyaniga ( Roma) oo u ku guleeystey kaalinta 6aad.
    Kayd Askar oo isna shirkaasi ka hadlay waxa u aaman u fidiyey ururka Amoud Foundation oo sanadkii dhamaaday kaalin libaax ka qaatey, iyo shirkadaha iyo ganacsatada Boorama ee sanad waliba  tageerta horomarinta dhalinta. Kayd waxa kale oo uu ganacsatada reer somaliland ka codsaday in ay kala qayb qaataan horumarka dhalinta soo koraysa. Kayd isaga oo hadalka sii wata waxa uu ku daray in orodkan iyo dhamaan orodada wadanka laga qaban qaabiyo uu yahay mid ay suurta gashaan qayb yar oo ka mida bulshada xiisaysa horumarka dhalinta waxuu tilmaamay in ayna wax shaqo ah oo lacago cid gaarahi ka heshaa jirin haba yaraatee. Waxa u Kayd  fariin gaara u direy lahaa Stideo Blue Sky oon balaf ku maqlay in ay wali cajaladii sanadkan kii tagay laga duubay qaban qaabadii orodka gacanta wali ku hayaan. Waxan maamulka Stideo Blue Skay ka codsanayaa in ay noo soo dadajiyaan helitaanka DVD gaas maada oo ay ku xidhan tahay u diraar galawgii sanadkan aan hada galnay. Waxan sidoo kale ka codsan lahaa in ay ka qayb qaataan muta dawac nimada suurta galisa wax u qabadka dhalinta mandaqada. Ugu dambeytii waxa shirka soo xiray Abdulmajid Xusein oo isna degan dalka France isaga oo ku hadlaya magaca Awdal Road Race waxa u hambalyey oo wax lagu  farxo ku tilmaamey dhismaha garonka Xasan sh. Muumin waxa u yidhi “runtii wax weyn ayu garoonkaasi ka tari doona dib u soo noleynta guud ahaan sportiga Awdal”. Waxana u C/majid  u sheegey in dhawanta  la soo bandhigo doono qurba jooga reer Gabiley, Awdal iyo Salal ba meelaha laga heelayo DVD  orodka2009

    Sawnews.tk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: