SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • MA LAGA YAABAA INAY REER AWDAL SOO CESHADAAN BQORTOOYADDI (ADAL EMPIRE 13 CENRTY)

    Posted by Sawnews.tk on January 11, 2010

    Dunidu waxay soo martay taariikh iyo waayo kala duwan, sidaan ka soo gaadhnay odayadeenii in kastoon qoraal lagu hayn, laakiin laga helayo meelo badan oo ay ka mid yihiin Itoopiya iyo Engiriiska.

    Gobolka Awdal wuxuu lahaan jiray Qarnigii 13 (Thirteen Century) boqortoyaddii la odhan jiray “ADAL EMPIRE”. oo ay caasimad u ahayd degmada Saylac (Zeila was the city of 7 states).

    Maqaalka waxan kaga hadlaynaa inaan wax iska xasuusino taariikhdii soo jireenka ahayd ee uu lahaan jiray Gobolka Awdal iyo deegaanka ku xeeran oo ay qarnigii 13 ka talin jirtay boqortooyaddi Adal Empire.

    Dunidu sideedaba waa is daba maal oo qarniyo badan bay soo jirtay waxanan odhan karnaa boqortooyin badan oo soo burburay way jireen, sidaa darted Adal empire kuwaas uun bay ka mid ahayd oo lama odhan karo ma jirto, maxayse u buburtay ?,.

    Waxase muhiim ah in la qoro oo la ururiyo taarkiikhdii soo jireenka ahayd ee uu lahaan jiray Gobolka Awdal arrinkaasuna waa mid u yaala reer Awdal inay ururiyaan oo ay sameeyaan Madxaf lagu ururiyo taariikhdaasi.

    Adduunyadu waxay kaydsataa oo ay madxafyo u samaysaa taariikhda si jiilalka dambe ee soo korayaa u ogaadaan halka ay ka soo jedaan.

    Sidaa darteed waxa muhiim ah inaan iska kaashano sidii aan u ururin ee loo hayn taariikhdasi ballaadhan.

    Tusaale haddii aan soo qaato Somaliland, waxa inala dega beelo badan oo aan dhaqan iyo taariikhba wadaagno, waxad arkaysaa ama maqlaysaa ragii gabayaaga ahaa ee caanka ahaa in la kaydiyo sida Isaaqa, Dhulbahantaha, Ersangaliga iyo Ciisahaba oo aan iskugu ood xigno, maxaa inaga ino diiday inaan Gabayageenii iyo haldoorkeenii xusno ? waa ssu’aal aan u dhaafayo reer Awdal.

    Waxan ku soo gunaanadayaa inaan gunitga dhiisha iskaga dhigno oo aan ururino taariikhdeeda Somaliland iyo intii ka horeysayba.

    Wabilaahi tawfiiq.

    Waa Qalinkii Eng Maxamed Sh Daahir Qaalib

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: