SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Arooskii Qarniga oo Maanta ka Dhacay Masjidu-jaamac Qadiimi Ee Magaalada Borama(Sawirro)

    Posted by Sawnews.tk on January 11, 2010

    Meher Aroos oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa maanta lagu qabtay Masaajidka wayn ee misjidu-jaamac qadiimi ee magaalada Borama ,xafladan oo ka soo qayb galeen Culumaa’udiin , Salaadiin ,Cuqaal,Ganacsato . iyo dhamanba qaybaheeda kala duwan , waxaana xafladaa hormuud ka ahaa mashaaikhda Gobolka Sheekh Abdilaahi Sh.cali Jawhar iyo Sheekh Abdilaahi Muuse .

    Xafladan oo ahay  mid aan horay loo arag amaba ka dhicin guud ahaan Gobolada Dalka oo dhan , meherkan ayaa waxaa uu noqonayaa  mid taariikhi ah oo taariikhda gala ,waayo inta badan waxaa xafladaha meherka lagu qabtaa hoteelada ama guryaha, balse tani si aada ayay ugu duwantahay , markaad dhinac ka eegto waa meher diimeed waana sida ugu qurux badan , ayna ku jirto ma’muusi .

    Meherkan maanta lagu qabatay masjidka ayaa noqon doona talaabo fiican oo ay dadka inta badani ku dayan doonaan ,waxayna tani daba socotaa Sheekhu Baladka oo inta badan sheega xafladaha , shirarka iyo meherkaba lagu qabsan karo Masaajiida ayna masaajiidu yihin meeshu ugu wanaagsan ee dadku iskugu iman karaan,

    Xafladan meherka ee maanta ayaa dadwaynaha reer Borama ay si’aada ugu riyaaqeen ,noqotayna mid ay maanta laga hadal hayo guud ahaan magaalada , meelkasto oo aad marto , labadii qof ee meel  jooga waxay iswaydiinayaa meherkaasi ,

    Isku soo wada duuboo meherkan maanta oo ahaa  mid  taariikhda galay oo  aan horay loo arag laguna maqal , Gobolada dalka .

    Labada lamaane ee maanta Meherkoodu ka dhacay Masjidka ayaa waxay ahaayeen

    Boqorka : Maxamed Nuuriye Cismaan

    Boqorada : Xaawa  Maxamed Diiriye

    Omer Albashiir

    Sawnews.tk

    Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: