SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xulka TOGO oo lagu soo dhaweeyey xabad kana baxay Ciyaaraha Afrika, iyo Patrick Vieira oo ku biiray Manchester City,iyo Falanqaynta Horiyaalka England

    Posted by Sawnews.tk on January 10, 2010

    Lome (Sawnews):- Xiriirka k/cakta dalka Togo ayaa ku dhawaaqay in xulka Togo uu ka baxay tartanka ciyaaraha Qaramada Africa (African Nations Cup) kadib marki Jimcihii la weeraray bas ay la socdeen ciyaartooyga Togo.

    Dabley hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday gaadhi bas ah oo ay la socdeen Ciyaartooyga  xulka qaranka Togo,  xilli ay kusii jeedeen dalka Angola oo uu Axada ka furmayo ciyaaraha Qaramada Africa.

    Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciyaartooyga xulka qaranka ay ku dhaawacmeen shilkaasi sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaasi.

    Warbaahinta ayaa ogaatay in baska la weeraray uusan ku jirin ciyaaryahanka xulka Togo iyo kooxda Manchester City ee  Emmanuel Adebayor iyo sidoo kale laacibka kooxda Aston Villa Moustapha Saliphou.
    Bayaan kasoo baxay xiriirka iyo wasaarada maamulka dhulalka ayaa lagu sheegay in ciyaartooyda qaranka aanan lagu sii deyn karin xaalad qatar ah kadib marki ay dhinteen sadex ka tirsan kooxda qaranka weerar ay kooxo burcad ah xalay ku qaadeen xilli ay ku sugnaayeen dalka Angola oo ah dalka marti gelinaya ciyaaraha.

    “Dowlada Togo ayaa go,aansatay in ciyaartooyda ay kusoo laabtaan dalkooda maxaa yeelay ma u dul qaadan karno in aan sii wajahno xaalad sidaasi qatar ah u ah’ sidaa waxaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlada”.
    Bari oo  axada ayuuna furmayaa Koobka africa waxaana wada ciyaari doona Ciyaarta koobaad ee furitaanka ANGOLA iyo MALI ,wixii soo kordha barnaamijyada danbe ayaan ku so qadan doonaaa insha Allaah

    Arsenal 2 Everton 2

    London:- Waxaa Maanta la ciyaaray Horiyaalka England , Arsenal ayaa waxay marti u ahayd Kooxda ka soo jeeda magaalad liverpool ee Everton, xalkaaas oo jawi qabow badan ka dhacayey oo baraf aad u badan ka dayey ciyaartaasi waxay ku dhamaatay barbar dhac oo ay isku dhaafiwayeen 2 gool iyo 2 ,Arsenal waxayna dayacday fursad wanaagsan maanta waayo waxay noqon lahayd kaalinta labaad , Dhinaca kale iyadna waxa Fursad wayn iska dayacday kooxda wayn ee Manchester united oo iyadna marti u ahayd Birmingham city, halkaas oo iyagna barbaro ay noqdeen oo ay  isla dhaafi wayeen 1 gool iyo 1 gool, waxayna ku jirtaa wali kaalinta labaad manchester united, dhinaca kale ciyaarihii kaloo dhan ayaa la baajiyay,  sobobo la xidhiidha dhanka Jawigga oo  waxaa dayey barraf  aad u daran oo diiday dadkii inay isku gooshaan sidaa darteed waxay la go ‘aamiyey in dib loo dhigo,

    Vieira oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Manchester City

    Manchester:- Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe ee xulka France Patrick Vieira kadib marki ay kasoo iibsadeen kooxda Inter kaasoo isbuucii qaadan doona £100.000.
    Ciyaaryahanki hore ee kooxda Arsenal ayaa maanta kasoo wareegay naadiga Inter Milan ee dalka Italy kadib marki uu qalinka ku aasay hasiishay lix bilood ah oo ay u sii dheertahay in uu waqtiga ku sii darsan karo hadii uu u baahdo.

    Xidigan 33 jirka ah ayaa noqonaya ciyaaryahanki ugu horeeyey ee uu soo iibsado tababare Roberto Mancini oo dhawaan loo magacaabay kooxda Man City.

    “Patrick waa ciyaaryahan sare oo ku wanaagsan qadka dhexe wuxuu leeyahay maskax furan wuuna dhisi karaa kooxdan”sidaa waxaa yiri macallin Mancini oo bayaan ku shaaciyey barta internetka kooxda Man City ee (www.mcfc.co.uk).

    Viera waxaa la siiyey nambarka 24-aad wuxuuna safan doonaa kulankiisa ugu horeeya ciyaar ay la qaadan doonaan isniinta kooxda Blackburn Rovers.

    by Muxiyadiin ibraahim qawrax
    qawrax934@hotmail.com

    Sawnews Sports

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: