SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ku Simaha Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Dhashay Isku Shaandheynta Guddi Hoosaadyada.

    Posted by Sawnews.tk on January 7, 2010

    “Isku Shaan-dheynta aanu Samaynay Waa Mid aanu  Xaq u Leenahay oo sanad walba la sameeyo”

    “Wax aan wanaag ahayn oo naga dhexeeya Guddoomiyaha ma jirto, waxaanan ahay ninka  Ilaaliya Guddoomiyaha inta uu ilaalin karo”

    Hargeysa(Sawnews) Jan. 06, 2010 – Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, ayaa been  qaawan ku tilmaamay warar sheegaya in Golahaasi laga dhex wado olale kursiga lagaga tuurayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ku maqan dalka dibadiisa.

    Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa kale oo uu gaashaanka ku dhuftay warar sheegayay in siyaasadi ka dambayso qorshe ay isku shaandheyn ugu sameeyeen Guddi hoosaadyadii Aqalka odayaasha.

    Md. Sh. Axmed  Sh. Nuux Furre, oo caawa u waramayay TV-ga madaxa Banaan ee Horn Cable TV wuxuu sheegay inay isku shaan dhayn sharci ah oo Golaha laga sameeyo sanad walba ay isku bed bedeleen shantii Guddi hoosaad waxaanu yidhi “Waxaanu samaynay sidii caadada Guurtidaba ahayd sanadkiiba mar in la isku shaan dheeyo shanta Guddi Hoosaad. Markaa Guddida joogtada ah oo qudha iskumaanu shaandheyne’e waxaanu isku shaandheynay Guddiyadii oo dhan waana aanu isku dhafnay. Sidaasi darteed arrintii maamul ahaan noo taalay ayuun baanu gudanay, ciddii cid eedaynaysaana waxay illa tahay waa cid sharciga ka gudbaysa. Wax aan sharci ahayn oo aanu samaynayna ma jiro. Guddidan aad tidhaahdeen way cabanayaanba sanadkii hore ayaanu u magacownay oo aanu uga bedelay kuwii hore u joogay. Guddidan joogtada ah ee aanu sanadkan magacownayna sanadka dambe ayaanu bedelaynaa haddii Alle yidhaahdo.”

    Md. Sh Amed Sh. Nuux Furre, oo ka jawaabayay su’aal ahayd ma jirtaa wax kala jeclaysi ah oo laga yaabo in guddidii hore Joogtada lagu bedalay, waxaanu yidhi “Wax Allaalle iyo wax kala jeclaan ah oo aanu shir-gudoon ahaan  aanu ku kala jecelahay xubnaha iyo wax hoose oo looga jeedaa arrintan isku shaandheynta midna ma jiro. Fikradaha dadka qaar ku hadaaqayaan waxba kama jiraan. Cida tidhaahda arrintan waxbaa lagu qarinayaa waa nin ujeedo gaar ah leh.”

    Guddoomiye Ku Xigeenka Guurtida oo la weydiiyay su’aal ahayd in Golaha Guurtida ay doonayaan inay Muddo kordhin kale u sameeyaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland wuxuu yidhi “Waxa  hore  u jirtay waxyaabo badan oo ay darruuri noqotay in muddo kordhin la sameeyaa oo ay lagama maarmaan noqotay Qodobka dastuuriga ah ee Guurtida amraaya inay wax kordhiyaan oo wax kale oo la sameeyo la garan waayay.Haddana haddii aad ogtihiin in xukuumad iyo asxsaabta mucaaridka ahi  heshiis gaadheen oo ka Gole Guurti ahaana aanu ansixinay heshiiskii ka koobnaa lixdii Qodob ee caalamku inagu dhexdhexaadiyeen. Wax kale oo imika meesha yaalaa ma jirto oo aan ahayn heshiiskii aanu sadexda xisbi qaran u ansixinay. Arrimihii doorashaduna inta aan ka warhayo si fiican ayay ugu socdaan Komishankii doorashooyinka, haddii ay mar kale dhacdana waa la iskaga imanayaa.”

    Sh. Axmed Nuux oo la weydiiyay in Guddoomiyihii oo maqan uu awood u leeyahay inuu isku shaandheeyo Guddi hoosaadyadii Golaha, waxaanu yidhi “Marka Guddoomiyuhu dibada ku maqan yahay, ama Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad  ku maqan yahay ama Guddoomiye labaad dibada ku maqan yahay, labada Guddoomiye ee dalka jooga ee Golaha hawshiisa sii wadaa daw bay u leeyihiin inay wixii maslaxada Golaha ah wixii ay kala bedelayaan waa wax sharci ah. Ma noqonayso Guddoomiyihii ayaa maqan wixii uu fulin lahaana waa la sii qabanayaa. Markaa inaanu    Golaha isku shaandheyno wax naga manciyayaa ma jiraan.

    Ku Simaha Guddoomiyaha Guurtida oo la weydiiyay warar sheegaya inay doonayaan in la rido Guddoomiyaha oo dibada ku maqan waxaanu yidhi “Arrintaasi waa been qaawan oo maro ku xidhnayn Guddoomiyaha looma jeedo haddii isaga la  bedelayo Anagana waa nala bedelayaa oo isku Shirgudoon ayaanu nahay.Anaguna labadayada Guddoomiye Ku Xigeenba ma yeelayno wax  Anagana nagu lidi ah isagana ku lidi ah. Arrintaasi waa been qaawan.”

    “Wax aan wanaag ahayn oo naga dhexeeya Guddoomiyaha ma jirto, waxaanan ahay ninka  Ilaaliya Guddoomiyaha inta uu ilaalin karo. Yacni iska ilaali uun ma ahee ku ilaaliya sharciyada.”ayuu yidhi Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre.

    Ramaasnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: