SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dawladdu Ma Dayacin Dilla Iyo Gobolka Awdal toona ee Reer Awdal Hadaanahay Inagaa Isdayacnay

    Posted by Sawnews.tk on January 7, 2010


    daahir-qaalib

    Marka hore waxan salaamayaa daadihiyaasha Sawnews iyo dhamaan bahweynta ku xidhan waxanan jeclaystay inaan halkan ku soo bandhigo hogatusaalayn (wax sheeg) iyo xaqiiqada inaan isku sheegno haddii aan nahay reer Awdal. Haddii aan iswaydiino dawladdi maxay tahay? Anigu fikir ahaan waxan odhan lahaa dawladdu waa shicibka, wax qabadka ugu weyna waxa iska leh shicibka, dawladduna inay taageerto iyaa looga baahanyahay, laakiin haddii aanu shicibkuba diyaar u ahayn wax qabad yaa wax u qabanaya.

    Fikradan waxa igu dhaliyey markii aan baadhitaano far badan ku sameeyey bulshadeena, iyo waxyaabaha inag horjooga horumarka Awdal.

    Waxa ii soo baxay dhawr arrimood oo u baahan inaan ka tashano sidii aan caqabadahaasi uga gudbi lahayn, waxanna ka mid ah dhibaatooyinka ina hortaaagan.

    1. Waxan noqonay beesha kaliya ee lagu tilmaamo Somaliland magaalo kaliya inay degaan (Boorame).

    2.  Tuulooyinkii oo aan ka soo guurayno una soo guurayno Boorame.

    3. Baabuur dhaynayaal ah oo tuulooyinkii wax laga iibsan lahaa ka dhigay waddooyin la iskaga gudbo sida (Dilla, Tulli, Magaala Cad, Qalooc,Gorayo cawl, Degma-Laqas, Quljeed, Boon iwm).

    4. Dantii guud iyo wadda tashigii oo meesha ka baxay.

    Haddii aan nahay reer Awdal waxa ina hortaagan caqabadaasi aan kor ku soo sheegay iyo kuwo kale oo badan, kamana gudbayno illaa aan ka tashano oo aan fikir midaysan ka yeelano, waayo ummadi haddii aanay tashan meel ma gaadho Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa (Rag waxa u liita Ma tashade, Ma toshe,  iyo Ma tashiishe).

    Haddii aan tusaale u soo qaadano beelaha kale ee jaarkeena ah, waxan odhan karanaa waa dad isku xidhan oo danta guud ka midaysan, taasina waxa marag ma doon u ah beel waliba maanta way inaga deegaan ballaadhan tahay.

    Sidaa darted, haddii aynaan xal degdega ah gaadhin oo aynaan iskugu iman tallo weyn oo lagaga tashanayo aayaha iyo mustaqbalkeena kabteen ma iila.

    Tusaale haddii aan idin siiyo waxan u kuur galay sidaan u deganahay dhulka waxad moodaa koronkor meel far la saaro deegaankeena ku hareeraysan Boorame ma laha, haddii ay magaalo tahay iyo haddii ay baadiye tahayba, xataa waxan jirin mustaqbalka meelo dadka lagu aaso, waxana sii xidhmaya waddooyinkii ceelasha looga aroorayey.

    Beesha Ciisaha haddii aan soo qadano waxad maraysaa 300km ilaa 400km oo aan ciddina deganayn, Beesha Isaaqna waa la mid oo barriga iyo koonfurtaba waxad ku arkaysaa dhul aan ciddiba deganayn. Taasi waxay muujinaysaa  inaan nahay beesha kaliya ee dhul ahaan ugu yar, wxanan odhan karaa taasi inagaa isku soo ururiyanay Boorame iyo inta ku meersan.

    Gebagebaddii  waxan qaylo dhaan u dirayaa dhamaan waxgaradka, Odayaasha, Cuqaaalada, Dhalinyarada, haweenka iyo Culimada reer Awdal inaan arrintaasi ka tashano oo aan yeelano shirweyne lagaga tashanayo aayaha iyo msutaqbalka beesha.

    Waxanan ku talin lahaa inaan samaysano hogaan guud oo beesha hogaamiya sidii uu ahaan jiray dhaqanka guud ee beeshu, iyaddoo laga saarayo qabyaalada iyo arrimaha ragaadiyey beesha oo dhamaanteen aynu markhaati ka nahay.

    Waa Qalinkii Eng Maxamed Sh Daahir Qaalib

    Email: qaalib55@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: