SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • WIXII LA QARIYABA QUDHUN BAA KU JIRA

    Posted by Sawnews.tk on January 6, 2010

    Odayaal iyo indheergarad ka tirsan dadka reer Awdal ayaa dhowaan ku shiray magaalda London. dadkan oo add u cadhaysan waxay ka walaacsan yihiin xaaladda Gobolkoodu ku suganyhay waqtiyadan danbe iyo sida maamulka Somaliland uu ula dhaqmayo dadkooda. Gobolka oo wax walba lagala wareegay ayaa haatanna dhulkiisa kolba in yar la gadanyaa. shirkani wuxuu si wada jir ah u soo saaray baaq ay ugu dhawaaqeen sidan :

    1.      Jasiiradda Sacaadadiin waa dhull taariikh dheer, waa dhul quruxeed, waa dhul ay ku aasanyihiin boqorraddii dadka dhulka dega oo ah Beesha samaroon iyo Ciise.

    2.      Dhulkaa taariikhda dheer lihi qiimo wayn buu ku leeyahay Gobollka Awdal.

    3.      Marka ugu horraysa haddii dhanqankaa la badalayo waa in lagala tashado Odayaasha iyo waxgaradka degaanka.

    4.      Maal gelin hadday noqotona dadka waddanka degeni ma xoolo waayin ee way maal gashan lahaayeen haddii loo soo bandhigo. manay ahayn in laga qarsado

    5.      Dhul bixinta waxa lagu ogaa maamulka degaanka iyo gobolka.

    6.      Maxaa soo gelinayay madaxweynaha iyo wasiiradiisa ?

    7.      waa xishood darro iyo qadarin la’aan in Salaadiintayada  sharafta mudan laga horjoogsado dhulkooda in ay galaan.

    8.      Salaadiintayada ninka yidhi waxba ma tihidin isagaan waxba ahayn taariikhdana baal madaw buu ka galay.

    9.      Maamulka Somaliland waxayaalaha sidan ah iyo kuwo horeba way na fogaynayaan.

    10.  Salaadiintu dadkay wakiil ka yihiin dadkuna waa kuwii maamulka idiin dhiibtay.

    11.  Haddii la kala danbayn waayo maamulkiina cidi maqlimayso. Ninkii caano ka daadanayaanna waa is ogahay.

    12. waxan uga digaynaa dadka dhulkayaga sidaa qadarin laaanta ku doonayaa inay kuwii oo foolxun ka tegi doonaan. Ugas Nuur, ka dib markii uu dagaal dheer dhul laga qaatay soo ceshaday, wuxuu yidhi  “Kabaal Negi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga”

    Hussein Adan Cige

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: