SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweynaha Somaliland Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Marxuum Fagadhe Maanta Loogu Sameeyey Magaaladda Hargeysa

    Posted by Sawnews.tk on January 6, 2010

    (Sawnews):- Allah ha u naxariistee waxa Maanta Magaaladda Hargeysa lagu aasay Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ahaa Safiirkii Somaliland u fadhiyey dalka Faransiiska, ka dib markii xalay laga soo duuliyey Maydkiisa Magaaladda Paris oo uu Marxuumku ku geeriyooday Salaasadii hore.

    Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, Shirgudoonada Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socday Golaha Wasiirada, Golayaasha Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada), Hogaamiyayaasha Xisbiyada KULMIYE, UDUB iyo UCID iyo dadweyne kale oo tira badan ayaa ka qabgalay Aas Qaran oo Marxuumka loogu sameeyey Caasimadda Hargeysa, gaar ahaan Xabaalaha Boqol-jire.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, oo Xabaasha dusheeda ka hadlay ayaa Marxuumka Illaahay uga baryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo guud ahaanba Qaranka Somaliland, gaar ahaanna Qoyskii iyo Eheladii Marxuum Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe.

    Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isagu dadka tujiyey Salaaddii Jinaasada, ayaa sheegay inay Marxuumka isku soo gaadheen wakhtigii uu Xildhibaanada Golaha Wakiillada ka mid ah, isla markaana ay soo wada-shaqeeyeen. Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sharaxaad ka bixiyey Shaqsiyaddii Marxuum Fagadhe, waxaanu sheegay inuu ahaa nin aad u wanaagsan oo qunyar socod ah oo Laab-xaadhan, Calooshana cid wax ugu qaban.

    Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu Tacsi u diray guud ahaanba Ummadda Somaliland ee uu Marxuumku ka baxay iyo Qosykii, Eheladii iyo Qaraabadii Marxuumka, waxaanu Marxuumka Illaahay uga baryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo Samir iyo Iimaanna ka siiyo Qaranka Somaliland. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in Marxuum Fagadhe ahaa Halyay adag oo aan Qaranku marnaba ka maarmin iyo Tiir adag oo Somaliland ka baxay.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), oo Munaasibaddii aaska ka hadlay, ayaa sheegay in Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), ahaa Dublamaasi ay ka soo wada shaqeeyeen illaa dawladdii Soomaaliya, haddana nasiibku isku simay inay ka wada shaqeeyaan Somaliland oo uu sannadihii u dambeeyey ka hayey Xilka uu hadda ka geeriyooday (Safiirkii Somaliland u fadhiyey Faransiiska), waxaanu tilmaamay in Marxuumku ahaa Qof wanaagsan dhinac kasta oo laga eego. Ugu dambayntiina waxa uu Illaahay uga baryey inuu Naxariistii Janno geeyo Marxuumka, Samir iyo Iimaanna ka siiyo Qoska, Ehelada, Qaraabada iyo guud ahaanba Shacab iyo dawlad-ba Somaliland.

    Waxa iyaguna halkaas ka hadlay, Raxan Wasiiro ah oo Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno Guurtida iyo Wakiillada ka tirsan iyo Masuuliyiin ka kala socday Xisbiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID, kuwaasoo dhammaantood ka sinnaa sifaynta Shaqsiyaddii Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), oo ay ku tilmaameen inuu ahaa nin aad u wanaagsan oo Cibaado badan, ahaana Siyaasi Ruug-caddaa ah oo Somaliland ka baxay. Waxaanay Masuuliyiinta kor ku xusan kala sinnaayeen Tacsida ay guud ahaanba Somaliland iyo Qoyskii Marxuumka u direen.

    Cabdifataax Ismaaciil Mursal

    Source Hadhwanaag


    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: