SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dismaha Garoonka Kubada Cagta ee Abwaan Xassan Sh/muumin Stadium Oo Dib looga Bilaabay Borama Maanta (Sawirro)

    Posted by Sawnews.tk on January 6, 2010

    Boorama(Sawnews)Saka subax ayaa ayaa dib ubilaamay dhismaha garoonka wayn  magaalada Boorama dhismahani daba socday dhagax dhig ay dhagax dhigtay marwada Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Huda Barkhad,  haddaba gudoomiyaha degmada  Boorama C/raxmaan Shide Bille oo isagu furay  ,dhismaha dib uga bilaamay garoonka laagu magacdaray abwaankii waynaa Alla ha u  naxariistee Xasan Sh/mumin  Stadium   ee magaalada Borama ,

    Xafladan koobnayd ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Maayarka magaalada waxana uu hadalkiisii ku bilaabay sida tan  :

    Waxaa farxad inoo ah in la inoo bilaabo dhismaha garaoonka waynee Abwaan Xassan Sh/muumin  ee magaalo madaxda gobolka Awdal, sida laga war qabo marwada dalku hada ka hor ayay dhaxdhigtay garoonkan aynu maanta furayno ee dhismihiisa laga bilaabay saaka, oo noqondona mid ay uriyaaqi doonaan guud ahaanba dadwaynaha reer  Somaliland iyo reer Boorama  garonku waxaa u yeelan doonaa afar albaab oo ay ka soo galaan gaadiidka iyo dadkuba waxaakale oo  uu yeelan donaa qaybta VIPda oo ka soo jeedsan doona qaybta galbeed ee cadceed ka dhacdo  garoonka waxaa kale oo uu inaga anficidoonaa maalmaha ciidaha iyo munaasibadaha gaarka ah iyo kuwo guudba , intaa kadib waxaanba saaka maqlaayay inamo yaryar oo ku sheekaysanaayay hadii la inoo dhiso garoonka waxaaba joogsandoona tahriibka oo waxaanba ka ka helaynaa dalkeena hooyo waxaan dibad ugu yaacaynay”  .

    Hadaba garoonka  kubada cagta ee Xassan Sh/muumin Gorod Stadium   ee magaalada Boorama oo ahaa mid ay bulshadu ka dhursugaysay mudo loo wada riyaaqay,   ayaa waxaa kale oo uu ugu baaqay duqa magaaladu inay u furantahay cidwalba oo waxa ka qaban karta garoonka cagta  ee magaalada Boorama, waxaa kale oo u duqu ugu baaqay qurba jooga reer Awdal in loo bahanyahay waxka qabadka garoonkani ayna ka qaataan kaalintooda waxanan leehay marwalba waa lay nii bahanyahay hadaad tihiin Qurba jooga Gobolka .

    Dhismaha garoonkani  oo lagu dhisaaayo qaadhaan marwada  uguna talagashay in wax lagaga qabto baahida bulshadu ay u qabto, oo ah in loo dhiso garoon kubadeed  u ahaydna mid muhiim ah, duqa magaalada waxaa ku wehelinaayay  xubno katirsan golaha degaanka  ee Degmada  Boorama

    Isku soo wada duuboo dismahan garoonka  kubada cagta ee Abwaan Xassan Sh/muumin Stadium ayaa noqon doona , mid taariikhi ah waa hadii la dhamystiree

    Waxan uu kaalin muhima ugu fadhiyi doonaa bulsha wayna reer Boorama dhamaanba degmooyinka kale ee labada gobol waa Salal iyo Awdale .

    Wariye :-

    Omer Albashiir

    Sawnews.tk

    Borama







    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: