SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa caawa lagu dillay magaalada Boosaaso

    Posted by Sawnews.tk on January 5, 2010

    Boosaaso(Sawnews)Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa caawa lagu dilay magaalada Boosaaso ka dib markii nin hubaysani uu ku toogtay meel u dhow masjid halkaas ku yaalla.

    Xildhibaanka la dilay ayaa lugu magacaabi jiray C/laahi Cali Kaarad, kana soo galay Baarlamaanka dhinaca gobalka Bari laga soo doortay, isagoo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Boosaso tan iyo markii uu dhamaaday kalfadhigii baarlamaanka Puntland.

    Rasaas badan ayaa laga maqlay magaalada taas oo dadku ay ku fasirayaan inay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan dawladda oo sida la sheegay cayrsaday ninkii ka dambeeyay dilka xildhibaanka.

    Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay booliska hase ahaatee waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan in ciidamada ammaanku ay qabteen dadkii ka dambeeyay weerarkaas, Hase yeeshee  saraakiisha dawladda ayaa weli ka gaabsanayaan  gacan ku haynta dadkii falkaas ka dambeeyay.

    Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa horay loogu dilay magaalada Garoowe, iyadoo dhowaana weerar bambaano loo adeegsaday lagu qaaday guddoomiyaha barlamanka oo ka badbaaday weerarkaas.

    Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa horay loogu dilay magaalada Garoowe, iyadoo dhowaana weerar bambaano loo adeegsaday lagu qaaday guddoomiyaha barlamanka oo ka badbaaday weerarkaas.

    Sawnews Desk Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: