SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • “Lama Joogo Wakhtiyadii Ay Madaxdhaqameedyadu Dhulka Dawlada Ka Ahaayeen, Salaadiintuna Arinkan Iskamay Hubsan”

    Posted by Sawnews.tk on January 5, 2010

    Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Xuseen Caynaan Faarax

    Hargeysa, Janaury 5, 2010 (Sawnews) – Wasiirka xidhiidhka golayaasha Xuseen Caynaan Faarax ayaa beeniyey in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu jimcihii kulan khaasa uu la yeeshay xubnaha golaha wasiirada iyo Agaasimayaasha ee kasoo jeeda gobolka Awdal,isagoo intaa ku daray in salaadiinta Awdal aanay iska hubin wararka la xidhiidha jasiirada Sacaadadiin oo uu beeniyey in xukuumadu ay iibisay tilaamayna in xukuumadu ay awood sharci u leedahay  maamulka dhulka ay masuul ka tahay una marayso sifaha sharci ee baarlamaanku ansixintooda leeyahay.

    Wasiirka xidhiidhka golayaasha Xuseen Caynaan Faarax waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray oo uu jawaab kaga bixiyey war lagu daabacay wargeyska Jamuuriya cadadkiisii soo baxay 4067 kuna taariikhaysnaa 3 January 2010-ka kaas oo lagu sheegay in madaxweyne Rayaale maalintii jimcihii qasriga madaxtooyada uu kulan khaasa kula yeeshay xubnaha golaha wasiirada ee xukuumada kaga jira gobolka Awdal kaas oo wasiirku warsaxaafadeedkiisa uu jawaab kulul kaga bixiyey inaanay waxba ka jirin kulan dhexmaray masuuliyiintooda iyo madaxweynaha maalintii jimcihii iyo maalin kale toona.

    Wasiirka xidhiidhka golayaasha Xuseen Caynaan Faarax oo warsaxaafadeedkiisa soo gaadhsiiyey xalay xaruunta wargeyska Haatuf waxa uu u qornaa isagoo dhamaystiran sidan:

    Tixraac Maqaalka Ciwaankiisu Yahay:

    In madaxweynuhu la kulmay masuuliyiinta xukuumaddiisa ee reer awdal kaasoo ku soo baxay Wargayska Jamhuuriya Cadadkiisii 4067, ee Axadii January 3,2010;

    Madaxweynaha  Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu galinkii dambe ee jimcihii todobaadkan kulan gaar ah la yeeshay masuuliyiinta xukuumaddiisa ee dhalasho aahaan ka soo jeeda gabolka awdal ka dib markuu madaxweynuhu ka war helay in hoos u dhac wayn ku yimid taageeradii uu ka haystay shacabka gobolkaas.

    Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxweynaha iyo xubnaha reer Awdal ee kulankaasi wada yeeshay, hase yeeshee sida ay xalay jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola madaxtooyadu, waxa uu madaxweynuhu la kulmay Wasiiradda, wasiir-ku xigeenada iyo agaasimayaasha ka soo jeeda gobolka Awdal, marka laga reebo wasiirka Warfaafinta Md. Axmed X.Daahir Cilmi oo xaalad caafimaad loogu qaaday isbitaal dibadeed.

    Sida ilahaasi tibaaxeen waxa uu mudane Rayaale kala hadlay xubnahaasi uu la kulmay sidii looga shaqaynlahaa xoojinta taageerada xukuumada iyo xisbigeeda UDUB ku haysto gobolka awdal.

    Isagoo madaxwaynuhu ka walaacsan in khilaafka soo kala dhexgalay xukuumadda iyo salaadinta reer awdal ee ka dhashay iibka Jasiiradaha uu saameeyn xun ku yeesho taageerada shacabka gobolkaasi u hayaan madaxweynaha iyo xisbigiiisa.

    Waxa uu madaxweynuhu ka dalbaday xubnaha uu la kulmay inay sida ugu dhakhsaha badan u tagaan awdal, isla markaana ka shaqeeyaan sidii la isugu soo dhawaynlaha xukuumada iyo dadwaynaha gobolkaas, Isagoo mudane rayaale ka shakisan in taageerada reer awdal ee uu isku halaynaayo mucaaridku kala hoos baxo, taasina dhabar-jab ku noqoto wakhtiga loo dareero doorashada madaxtooyada.somaliland. Kulanka la sheegay inuu dhexmaray madaxweynaha iyo xubnaha xukuumaddiisa ee reer Awdal, ayaa ka danbeeyey, ka dib markii saladiinta ugu miisaanka culus gobolka Awdal oo shir jaraa’id dabayaaqadii bishii December ee sanadkii 2009 ku qabtay magaalada boorama ay ku cadeeyeen in amar kasoo baxay madaxtooyadda lagaga horjoogsaday inay booqasho ku tagaan jasiirada sacadadiin oo ay sheegeen in xukuumadu ka iibisay ganacsade reer jabuuti ah, iyadoo xukuumaduna salaadiinta ku eedaysay in in mucaaradku u adeegsaday iska horkeenka beelaha walaalaaha ah ee kuwada nool deegaankaas .

    Jawaab kooban een ka bixinayaa maqaalkaasi waa sidan

    “ISLAAMAW RUN SHEEG -ISLAAMAWNA RUN UGA QAADO”

    Horta jamhuuriya waxay ka mid ahayd wargaysyadii ugu horeeyey ee dalka ka hirgal   runtii samcad fiican bay lahaan jirtay oo warar been ah ma qori jirin. Markaas malaha siyaasada xisbiyaaasha ayey ku milantay oo shaqadii saxaafada ayey illawday.

    Marka hore saaxiibadayda warkan qoray waan ka tacsiyeynayaa waayanshaxa  saxaafada kuma jirto in war aan jirin wargayska lagu qoro. Akhristayaasha sharafta lehna waxan leeyahay warkaasi ma jiro.

    • Madaxweynuhu masuuliyiinta wargeysku sheegay ee gobolka Awdal ka soo jeeda wax kulan ah lama yeelan jimcihii iyo wakhti kaleba.
    • Arinta kale ee wargeysku ka hadlay eek u saabsan ganacsadaha Ina Aw Saciid, salaadiinta reer awdal iyo jasiiradaha la iibiyey; ee aad moodo in wargeysku xisbi kaambeyn uga dhigaayo.
    • Waxaan umada reer Somaliland u sheegayaa gaar ahaana reer Awdal in wax jasiirado ah oo dawladu iibisay aanay jirin. Laakiin haddii ay danta ummaddu gasho dawladu sharci iyo awood bay u leedahay inay iibiso oo ay ummadda uga faa,iidayso. Waxaanay u maraysaa sifaha sharciga ah ee baarlamaanku ansixintooda leeyahay.
    • Ganacsade Ina Aw Saciidna waa muwaadin reer somaaliland ah oo ka faa,iidaysan kara fursada ganacsi ee jasiiradah laga heli karo oo sharci u diidayaa ma jiro haddii xataa uu yahay ajanabi.
    • Salaadiintuna arinkan iskamay hubin ka hadalkiisa.

    Waayo lama joogo wakhtiyaadii ay madax dhaqameedyadu dhulka dawlada ka ahaayeen ee hadda dhulka dawlada xukunta iyadaana loo soo maraya wixi maclumaad looga baahan yahay jasiiradaha wargeyska ku qoran

    Haatuf.net

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: