SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Siilaanyo oo la Kulmay kuxigeenka Safiirka Ingiriiska u Fadhiya Itoobiya

    Posted by Sawnews.tk on January 4, 2010

    Addis Ababa(Sawnews)– Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la kulmay Kuxigeeenka Safiirka Ingiriiska u Fadhiya Addis Ababa iyo Matt Woods oo isna ah Xoghaya Labaad ee Safaarada.

    Sida lagu sheegay Warsaxafadeed kasoo baxay Xisbiga KULMIYE.
    Warsaxafadeedka KULMIYE ayaa u dhignaa sidan:-

    “01 December 2009, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu la kulmay Mr. John Marshal oo ah Ku-Xigeenka Saafiirka ingiriiska u fadhiya Addis- Ababa iyo Matt woods oo ah second Secretary-ga iyagoo kawada hadlay degganaanshaha, nabad kuwada noolaanshaha dawaladaha Geeska Africa., geeddi socodka dimoqraadiyadda.

    Dhinaca kale waxay kawada hadleen doorashooyinka somaliland iyo siday uga go’antahay Dawladda Ingiriiska qabsoomidda doorasho ee la filaayo inay dhacdo horraanta sannadka 2010. Kulankaasi wuxuu ku dhacay jawi fiican iyo is-faham.

    Sidoo kale, waxaa 01 January 2010 Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo uu kulan qado sharafeeda la yeeshay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya Mudane Tekede Allamu iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaraddaasi. Kulankaasi oo ay kaga wada hadleen xaaladaha ka taagan mandaqadda Geeska Afrika iyo siday Bulshada caalamku diyaar ugu tahay degenaanshaha, xasilloonida iyo nabad kuwada noolaanshaha dawladaha mandaqadda.

    Sidoo kale, waxay ka wada hadleen xidhiidhka iyo cilaaqaadka wanaagsan ee labada dal Somaliland iyo Itoobiya, iyo sidii loo sii adkayn lahaa geedi socodka nabada iyo horumarka Somliland iyo qabsoomidda doorashooyinka soo socda. Taasi oo uu Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Maxamed uu uga mahadanaqay soo dhawaynta kulankaa sharafta leh ee dawladda itoobiya ku qaabishay.

    Waxaana la filayaa inuu sii wato kulamadiisa shaqo maalmaha soo socda, isagoo uga sii gudbi doona safarkiisii shaqo ee uu ku tagayo dalka Maraykanka maalinta Khamiista ee bisha January tahay 07 January 2010.”

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: