SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo la Kulmay Masuuliyiinta Xukuumadiisa ee Awdal kasoo Jeeda

    Posted by Sawnews.tk on January 4, 2010

    Hargeysa (Sawnews/Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu gelinkii dambe ee Jimcihii toddobaadkan kulan gaar ah la yeeshay masuuliyiinta xukuumaddiisa ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Awdal, kadib markuu Madaxweynuhu ka warhelay in hoos-u-dhac weyn ku yimi taageeradii uu ka haystay shacabka gobolkaas.

    Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxweynaha iyo xubnaha reer Awdal ee kulanka wada yeeshay, hasayeeshee sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola madaxtooyadu, waxa madaxweynuhu la kulmay wasiirada, wasiir-ku-xigeennada iyo agaasimayaasha ka soo jeeda Gobolka Awdal, marka laga reebo wasiirka warfaafinta Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo xaalad caafimaad loogu qaaday cusbitaal dibadeed.

    Sida ilahaasi tibaaxeen waxa Md. Rayaale kala hadlay xubnaha uu la kulmay sidii looga shaqayn lahaa xoojinta teegaareeda xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ku haysto Gobolka Awdal, isagoo madaxweynuhu ka walaacsan in khilaafka soo kala dhexgalay xukuumadda iyo Salaadiinta reer Awdal ee ka dhashay iibka jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad uu saamayn xun ku yeesho taageerada shacabka gobolkaasi u hayaan madaxweynaha iyo xisbigiisa.

    Waxa madaxweynuhu ka dalbaday xubnaha uu la kulmay inay sida ugu dhakhsaha badan u tagaan Awdal, isla markaana ka shaqeeyaan sidii la isugu soo dhawayn lahaa xukuumadda iyo dadweynaha gobolkaas, isagoo Md. Rayaale ka shakisan in taageerada reer Awdal ee uu isku hallaynayo mucaaridku kala hoos baxo, taasina dhabar-jab ku noqoto wakhtiga loo dareero doorashada madaxtooyada Somaliland.

    Kulanka la sheegay inuu dhexmaray madaxweyne Rayaale iyo xubnaha xukuumaddiisa ee reer Awdal, ayaa ka dambeeyey, kadib markii salaadiinta ugu miisaanka culus Gobolka Awdal oo shir-jaraa’id dabayaaqadii bishii December ee sannadkii 2009 ku qabtay magaalada Boorama ay ku caddeeyeen in amar ka soo baxay madaxtooyada Somaliland lagaga horjoogsaday inay booqasho ku tagaan jasiiradda Sacaadadiin oo ay sheegeen in xukuumaddu ka iibisay ganacsade reer Jabuuti ah, iyadoo xukuumadduna salaadiinta ku eedaysay in mucaaridku u adeegsaday iska horkeenka beelaha walaalaha ah ee ku wada nool deegaankaas.

    Jamhuuriya Online

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: