SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • 2010 KU MA NOQON DOONA MID BULSHADA REER AWDAL AY KA SOO KABTAAN DHAAWACYADII GAARAY SANADKII TAGAY

    Posted by Sawnews.tk on January 4, 2010

    Ummaddi waxay sharaf iyo karaamo ku yeelataa marka ay hogaan leedahay ee ismaqal iyo muwafaqo dhexdooda taalo waa marka ay doortan hogaan hufan oo u heegan ah danta gobolkoda iyo bulshadooda. Marka lahelo halyaay codkara oo caqli u saxiiba oo cadkiisa aan cidaha kale damac ka gali karin, waa marka cadowga bulshadu arko nin heegan u ah oo u heelan soo dhicinta xaqa umadii hogaanka ka dhigatay halyaaygu waxuu bulshadiisa u horseedaa in aay gaadhaan himiladoodda oo uu ummada uu hogaamiyo dhexdooda ka dhaliyo isu xidhnaasho iyo istageersi iyo in danta guud meel ay uga soo wada jeestan.

    Bulshada reer Awdal waxaa gaadhay dhaawacyo ulla kac ah oo aarglosiyo cad cad ah, kuwasoo huwan cunuf iyo cuqdad haysa kuwa aynu ku tilmaano in ay wax inaga dhexeyaan ee reer Hargaysa oo uu bogsan wayay naburradii ku dhacay 1988, markaas oo aay iyaga laftoodu gardarada lahayeen waayo 1988 Samaroon dagaal kuma qaadin Iidoorka ee Iidoorku iyagaa dil iyo dhac kuvbilaabay dadyawgii beesha Samaroon ee ay ood-wadaagta ahayeen, taasi waxay keentay in beesha Samaroon ay ka kacdo oo ay naftooda difacaan. Dadyawgii beesha Samaroon ee xuduudda lalahaa qolyaha Iidoorka beesha samaroon nafteeda ayaay difaacday kuwii gardarada iyo kibirka ula yimidna waxay kudhuf teen dhirbaxo ilaa manta ku sawiran oo ka bi’ i wayday  taasina waa mida keentay in 11/07/2009 ay ku kacaan xasuuqii safarka kalabaydh loogu gaystay mana aha mid aay iloobidoonan dhalinyarta beesha Samaroon, waana mid ay marwalba heegan u yihiin in gawihii ay iyagu dhigteen lagu caanoliso wax badana ay hoos u murugoon doonan kuwa maanta u haysta  inay gool dhaliyeen.

    Sanadkan cusub ee 2010 ma noqon doonnaa mid bulshadda gobolka Awdal ee nabada iyo daris-wanaagu astaanta u yahay ay wajigeeda dhiifta kulul ee cadawgu darisnimada iyo nabada uga faa’iidaystay ay tusan cadowgooda iyo kuwa dalbalaarsiga wada ee duulanka ku ah dhulkooda ay iska dhiciyaan, ma noqon doonaa mid dhiigii haldoorka samaroon, Cali Bagaashle,Da’uud,Cali Aw Cumar iyo Mawliid.

    Dhiigooda walli daadanaya la joojin doono shahiidadaasi walli dhiigooda dhibic waxuuna iilku qaadi doonaa maalinta loo aaro ninkii gabyay waxuu yidhi (anigoo waxdili kara ducuqadan maayo). Saladiinta iyo siyasiyinta gobolka awdal hadii aay duco qateen waxaan ogahay marnaba inaanay dhalin yarta gobolku duco qadanayn.

    Mayahay sanadkani mid lagasoo kaban karo dhawacyadii garay bulshada gobolka Awdal ?jawaabtu waa haaa hadii dhalinyarta gobolku isu xilqaado sidii sharaf tooda iyo karamadooda libidhay aay u soo faqi lahaayeen, dhalinyarta gobolku waa inay yeelataa hogaan, inay doorasho ka dhacdaa gudaha dalka oo aay dhaliyartu soo xushaan hogaankoodii, waa inay dhalinyarta qurbajoogta  ahi dhaqaale ahaan ku tageeraan, waa in la diyariyaa qalab warbahineed oo gudaha laga maqlo dibadana laga dhagaysto iyadoo la isticmalayo qalab iyo alada intarnetkaba, waa in wacyi-galin balaadhan la sameeyaa oo dhalinyarta cafimaadka qabtaa ay noqdaan kuwo ka fayoow xumaha iyo buqdiga siyasiyinta  kala sheegta xisbiyada iyo kuwa kale ee odayo dhaqameedyada sheegtaba, dhalinyarta bulshada Awdal waa inay ogaadan inay wadagaan dhiig iyo nasaba waa inuu nin waliba kankalin naftiisa u haneeyaa oo ninkasta oo reer Awdal ahi u dhintaa walaalkiisa kale ee aay nasabka iyo dhiigaba wadagan waa inay ogadaan inay dhamantood yihiin tafiirtii sheekh samaroon saciid.

    Gabagabadii dhalinyarooy waa inaad  isu tashataan kana hor tagtaan duulaanka dhiigiina iyo dhulkiinaba lagu hayo wabilahi towfiiq

    by farhan adan warsame

    adwarsam1@yahoo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: