SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Kiiniya oo Deeq Waxbarasho u fidiyay Arday Reer Sool ah

    Posted by Sawnews.tk on January 3, 2010

    Hargaysa(Sawnews)Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Kiiniya ayaa deeq waxbarasho Caafimaad u fidiyay Arday Reer Somaliland, gaar ahaana u dhalatay Gobolka Sool.

    Deeqdan uu Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Kiiniya oo ka kooban shan Arday oo baran doona Cilmiga Dhakhtar ee Dadka iyo shan Arady oo kale oo iyaguna baran doona Cilmiga Dhakhtarka Xoolaha.

    Deeqdan Waxbarasho ayaa ka dambaysay ka dib markii uu Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Kiiniya Mudane Faarax Macalin dhawaan socdaal ku yimid Somaliland, isla markaana uu is-bar-bar-dhigay Heerka Waxbarasho ee Gobolka Sool iyo Awdal ay ku dhalatay in Ardayd Reer Sool u baahan yihiin Waxbarasho tayo leh sida uu BBC-da u sheegay Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax.

    Maxamed Faarax wuxuu sheegay in Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaaka Kiiniya uu isagu jeebkiisa ka bixin doona kharashka ku bixi doona Ardaydan isla markaan uu ka faala-qaadan doono muddada ay ku jiraan Waxbarashada.Waa markii ugu horaysay ee Sarkaal ka tirsan Dowladda Kiiniya deeq Waxbarasho u fidiyo Arady Reer Somaliland ah.

    Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Somaliland wuxuu sheegay inuu Faarax Macalin gacan ka gaysan doono sidii Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laas-caanood ay u heli lahayd Biyo Macaan, isagoo u soo diri doona khubaro soo qiimaysa xaalada Biyaha ee Gobolka Sool.

    Waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: