SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dusiga Nuuradiin oo Qarxin looga shakiyay iyo Ciidanka Nabadgelyada oo Heegan la galiyay

    Posted by Sawnews.tk on January 3, 2010

    Hargeysa (Sawnews)  Ciidanka Nabad gelyada ayaa Shalay ilaa xalay Heegan la galiyay ka dib markii Qarxin looga shakiyay Xarunta wayn ee Iskuulka sare ee Nuuradiin oo ku yaalal Xaafada Jig jig yar ee Magaalada Hargaysa.

    Sida ay sheegayaan Dad goob joog ahaa arrintani waxay soo baxday markii shalay galinkii danbe laga shakiyay in Qarax lala Maagan yahay Dugsiga sare ee Nuradiin taas oo keentay inay Iskuulka ka Firxadaan Macalimiintii iyo Ardaydii dhiganaysay, iyadoo Islamarkaana la war galiyay Ciidamada Booliska kuwaas oo isla markiiba gaadhay Iskuulka isla markaan Isku gadaamay Xarunta Iskuulka iyo ag agaarkeeda waxaana ilaa Xalay la arkayay Cidamada oo gaaf wareegayay ag agaarka Dugsiga iyo Wadooyinka ku dhaw.

    Waxay arrintani ku soo beegantay iyadoo sideedaba Ciidanka Bilayska Malmahan heegan la galiyay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay Dalka soo galeen Xubno ka tirsan Al-shabab gaar ahaan Xubno Saraakiil a h, taasina waxay keentay in heegan la galiyo Ciidanka Amaanka oo ilaa xalay si wayn looga dareemayay Dhaq dhaqaaqooda Caasimada Hargaysa Gaar ahaan Wadooyinka waawayn ee badhtamaha  iyo kuwa soo gala Caasimada Hargaysa

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: