SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dad looga shikiyey inay Shirqool la damacsanaayeen Qunsulka Itoobiya oo gacanta lagu dhigay

    Posted by Sawnews.tk on January 3, 2010

    Waxay daba galeen Gaadhiga Qunsulka oo ka soo baxay Madaarka illaa xafiiskiisa

    Hargeysa (Sawnews) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Gacanta ku dhigay 5 Qof oo looga shakiyay inay maleegayeen shirqool ka dhan ah Qunsulka Ethopia u fadhiya Somaliland, kuwaas oo haatan ku xidhan xarunta  CID da ee magaalada Hargeysa.

    Shantan Qof oo Magacyadoodu kala Yihiin Maxamed Ibraahim Cawaale, Xamse Gabax Cawaale iyo Saddex Dumar ah oo  kala ah Luula, Muuna, Caawiya, waxa la sheegay in labada  Nin iyo laba Dumar ah oo ah Hooyooyinkood ay ka hortagayeen Gabadha Magaceeda la yidhaa Caawiya oo iyadu ka imanaysay Xajka, balse labada Nin ayaa markii ay ku dhawadeen Madaarka waxa ka hor yimid Gaadhiga Safiirka Qunsulka Ethopia oo ka soo baxay Madaarka kaas oo ay moodeen inuu yahay gadhigii soo qaaday Qofkii ay ku soo dhawaynayeen Madaarka, waxaanay iyaga oo xawaare ku socda si toos ah u soo dabo galeen Gadhigii Qunsulka Ethopia iyaga oo daba socday ilaa iyo Xafiskiisa.

    Sida la sheegay markii uu Safiirku Dareemay inuu Gaadhigani daba socday mudo ayuu Qaylo dhan u dirsaday Ciidanka Nabad-galyada oo u uu u sheegay inuu Gaadhi ku dabo jiro, waxaanay Cidamadu markiiba u direen Ciidan Gurmad ah, kuwaasoo ku gaadhay meel ku dhaw Xafiiska Qunsulka Ethopia, halkaasna waxay ku soo qabteen Gadhigii iyo labadiinin ee watay kuwaas oo lagu  xidhay Xarunta CID da ee Magalada Hargaysa.

    Ka dib markii la qabtay waxa ay Cidamadu waydiiyeen Ujeedada ay u dabo galeen Safiirka waxaanay u sheegeen inay u socdeen soo dhawaynta Qof Madaarka ka soo dagayay  oo ka imanayay Xajka anay iskaga ee kaadeen labada Gaadhi, waxa kale oo la waydiiyaya Cidii la socotay waxaanay sheegeen inay la socdeen laba dumar ah oo iyaguna soo dhawaynayay Gabadha xajaka ka imanaysay oo ahayd Qaraabadooda, isla markiiba waxa la wargaliyay Ciidnaka Ilaalada Amaanka ee Madaarka Caasimada Hargaysa kuwaas oo qabtay labadii Dumar ahaa ee Madaarka joogay iyo Haweenaydii ka imanaysay Xajka ee ay sugayeen taas oo ay magaceeda ay ku sheegeen Caawiya balse markii la qabtay uu is yeelan waayay Magacii ay sheegeen iyo Magacii ku qornaa Basaaboorkeeda, taas oo sii adkaysay kiiska loo haystay.

    Laakiin Badhitaan ka dib Saddexdii Dumar ahaaba waxa lagu sii dayay damiin ahaan, hasa yeeshee waxa ilaa hada xidhan Labada Nin ee iyagu watay Gaadhiga Qunsulka Ethopia u fadhiya Somaliland Daba galay.

    Labadan Nino oo u dhashay Somaliland ilaa hada wax cadayn ah oo lagu helay ma jirto, balse  waxa warar aanu ka helnay ilo Xogogaal ahi sheegeen in  loo hayo baadhitaan si loo xaqiijiyo u jeedadooda\

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: