SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madasha Akhriska Maskax Maal Ee Borama oo soo bandhigtay Buug la magac baxay Saydaratul Alxayaat +Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on January 2, 2010

    alt(Sawnews)Madasha Akhriska ee maskaxmaal ayaa caawa waxa ay soo bandhigtay Buug la magacbaxay saydaraatul alxayaat oo la micna ah sida nolosha loo maareeyo.

    Madasahan ayaa caadi ahaan waxaa buugta la soo bandhigaa la akhrinayo Bilowga bilwalba jimcaha ugu horeeya.

    Madashan ayaa waxaa caadi ahaan ka soo qayb gala dhalinyarada wax ka barata jaamacadaha, Dugsiyada sare iyo kuwa dhexeba.

    Dhalinyaradan ayaa waxa ay iskugu jiraan gabdho iyo wiilal, waxa ayna aad uxiiseeyaan sida wanaagsan ee loo maamulo maskaxmaal taas oo lagu soo bandhigo had iyo jeeraale Buug Da’yarta wax badan u faa’iidaynaysaa haday noqon lahayd aqoontooda iyo waaya aragtinimada u kordhaysa.

    Buugan caawa la soo bandhigay ayaa waxaa soo jeedinaysay Gabadh Da’yar ah oo dhigata Dugsiga Sare ee Al-aqsa Fasalka afaraad ee dugsiga Sare. Oo magaceedu yahay  Raxma  Xasan Tubeec, waxaana la soo jeedinayay gabdhaha kala ah.

    Sagal Cali Adam iyo Siciida  C/raxmaan.

    Buugan ayaa waxa uu ka hadlayay Saydaratul alxayaat, buugan ayaa waxa uu taabanayay Sida loo baahan yahay in qofku uu noloshiisa u maareeyo.

    Qofka waxaa looga baahan yahay inuu ilaaliyo waqtiga iyo Dantiisa iyo arimihiisana sida uu ukala siin lahaa Muhiimada.
    Buugan caawa lagu soo jeediyay madashan ayaa aad uxiisa badnaa . Da’ayartii halkaa iskugu timidna  ay u wada bogeen sida quruxda iyo cilmiyaysan ee ay gabadhaa Da’ada yari ay buugaas uga soo jeedisay halkaas.

    Buugan ayaa waxaa laga faa’iidaystay Sida loo maareeyn karo Nolosha.

    Sidoo kale halkaa waxaa ugu danbayn ka hadashay  Sagal Cali oo ka mid ah Kooxda Maskaxmaal oo sheegtay in sanadkii dhamaaday ay soo bandhigeen 12buug oo isugu jiray kuwo suugaaneed iyo ku cilmiya.

    Waxa kale oo ay sheegtay inay qabteen bishii hore Tartan aqooneed kaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay qabtaan kooxdan maskaxmaal.

    Sagal ayaa waxa ay sheegtay in sanadkan Cusub ay kordhin doonaan Madashan akhriska ah kuna soo kordhin doonaan Buug aad uqiimo badan oo laga faa’iidaysan doono.

    Kooxdan la baxday Maskax maal ayaa waxa ku bahoobay dhalin da’yara oo dhamaantood ubadan kuwa ka soo baxay jaamacadaha Dalka iyo kuwa dibada, waxa ayna Da’ayarta ufureen barnaamuj loo baahnaa oo ka maqnaa Magaalada Borama kaas oo ahaa madal buugta akhriska ah lagu soo bandhigo.

    Taasna waxaaa la odhan karaa waa ay ku guulaysteen, waxa ayna mudan yihiin  in lagu taageero dhalintaa dadaalka ay wadaan.

    alt

    alt

    alt

    altalt

    alt

    alt

    alt

    alt

    Reporter:Jaabir Ali Omer
    Borama(Bnn)

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: