SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • War Deg deg: Dayax Madoobaad Laga Arkay Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on December 31, 2009

    Hargeysa (Sawnews)- Caalamka guud ahaantii, caawa waxa laga xusayaa, looga diyaar-garoobayaa sanadka curashada sanadka cusub ee 2010, hase yeeshee dabaal-dega sanadkan cusub ayaa waxa uu la kowsaday marka loo eego magaalooyinka waawayn ee Somaliland sida Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Boorama iyo Laascaanood Dayax-madoobaad.
    Dhamaan magaalooyinkaas aan kor ku soo xusnay ayaa loo dareeray Masaajida lagu tukado si loo xuso cabsida Ilaahayna loo xoojiyo, culimada waawayn ee Somaliland ayaa gaar ahaan magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ka bilaabay wacyi ay dadweynaha ku baraarujinayaan in deg deg loo tukado Salaatul Kusuuf oo ay diintu ina farayso in la tukado wakhtiyada la arko dayax ama cadceed madoobaad.
    Muuqaal ahaan dayaxa ayaan guud ahaan dhamaystiraan oo cidhif ka mid ahi madaw yahay, dayaxmadoobaadkanh waxa loo dareemay goor sheegta geeska Afrika wakhti ay ku beegnayd ku dhawaad 11:00 habeenimo.
    Hadii aad joogtid magaalada Hargeysa, marka aad daalacato muuqaalka cirka ee aad u fiirsato dayaxa ayaa indhahaaga waxa buuxinaya daruuro, hase yeeshee dayaxa ayaa isagu ka dhex-mudhaya oo dhex socda isaga oo cidhifkiisa madoobaaday si caadiya kuugu muuqanayo.
    Guud ahaan umadda Islaamka ah meel kasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeeda waxa looga baahan yahay tawbad keen iyo inay cibaadada ku dedaalaan si Ilaahay dhibka uga dulqaado

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: