SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Cismaan Hindi waxa uu kala garan laayahay sanadka iminka la socdo.. marka uu leeyahay Maxamed Awsiciid Marti ayaa loo noqon” Shir-Jaraa’d + Dhageyso

    Posted by Sawnews.tk on December 31, 2009

    Borama(Bnn)Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay Xidhiidhiyaha Gobolada Awdal /SALAL dhinaca doorashooyinka ahna Xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga UCID Axmed Mu’min Seed ayaa si adag uga jawaabay hadal xalay uu ka jeediyay  Cismaan Hindi Tv HORNCABLE hadalkiisaa oo uu ku sheegay ninkan jazeeradaha Saacadiiin Kootada loogu xidhay inuu yahay nin reer Somaliland ah Somaliland ay Maxamed Awsiciid  ugu noqon doonto Marti marnaba isagu waa Maxamed Aw Siciide uuna marti u noqonayn Somaliland.

    Arinkaas oo xalay dadwaynihii daawaday ay ku noqotay yaab iyo amakaag nin mas’uul sare ah oo hadaladaa ku hadlaya, isla daqiiqado ka bacdina doodii loo qabtay Siyaasiyiinta xisbiyada ka soo jeeda ayaa  Xoghaya Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin uu isna Salaadiinta ka soo jeeda gobolada Awdal Iyo  Salal ku tilmaamay kuwo fitno Abuurayo  oo qas wadayaala.

    Hadab shirkiisan jaraa’id ayaa waxa uu ku difaacayaa hadaladaas xalay warbaahinta maxaliga ah la soo mariyay, ilaa hadana waa mas’uulka Qudha ee ka soo jeeda Goboladan AWDAL/SALAL ee jawaab ka bixiya Aflagaadadan iyo hadaladan naxliga ah ee Mas’uuliyiintaasi  hawada soo marinayaan.

    Shirkiisan Jaraa’id ayaa sidan udhignaa.

    Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay in baryahan danbe xiisad kulali ka soo ifbaxday Jazeeradahan ku yaala Gobolada AWDLA/SALAL/oo buuq badan iyo sawaxan fara badan ku abuuray Shicibka Somaliland cid walibana ay ka bixinayso bal wixii ay waxa ku saxmayaan.Sidaas Darteed waad ogaydeen in salaadiinta ka soo jeeda goboladan Awdal/Salal ay waa dhawayd teegeen SAYLAC dabadeed dawladu iska hortaagtay inay galaan oo ay soo eegaan oo ay arkaan arinkan taagan eek u saabsan labada Jazeeradood taas oo ay dawladu ka hor joogsatay iyaguna dabadeed salaadiintu ayna sidii looga horjoogsaday ay uga soo noqdeen dabadeetano tii ayaa ilaa iminka taagan.

    Oo hadalo badan oo kala dudawani ka soo baxayaa siyaasiyiinta Somaliland ee xisbiyada ku kala jira.

    Waxaan aad iyo aad ula yaabay Xisbiyadan seddexda xisbi qaran ee ka jira Somaliland.

    Markasta oo la hadlayo qofkan marka hore u hadlaya xisbiga  waa inuu ilaaliyaa qadariyaa qiimeeyaa tv uu ka hadlayo oo ay dad aad ufara badan oo dunida dacaladeed ku nooli ay daawanayaan ama dhagaysanayaan.
    waxaad arkaysaa oo waxa aad loola yaaba ah, nin wayn oo mas’uul sheeganaya oo tv soo horfadhiistay  oo ku hadlaya waxayna bili aadamku ka hadlin oo aad ufoolxun, taas oo aan uga socdo  Ninka la yidhaahdo CISMAAN HINDI oo xisbiga udud uqoran dhinaca abaabulka doorashooyinka ayaa xalay waxa uu HORNCAPLKA ka yidhi waxa uu ku sheegay oo uu xalay yidhi  Maxamed Awsiciid Somaliland Marti ayaa looga yahay.

    Waa kalmad aad uxun ,foolxun , odhaahdeedu xuntahay waayo shakhsi baa dad marti uyahay iyada oo aan maanta sheeganayno dawlad Somaliland dumuquraadiya asxaab gaadhay,oo meel fiican maraysa oo hadana la yidhaahdo hebel baa marti loo yahay tvna la soo fadhiisto waa arin aad looga xumaado.arinkaas aniga waxa uu iila mid yahay arin hore oo uu cismaan hindi ku yidhi xisbiga kulmiye waa argagixiso ,markaa kan iyo kaasi waa laba isku eg ayuu yidhi gudoomiyuhu.

    Waxa uu yidhi oo uu weeraray Xisbiga udub oo uu yidhi Dadkan inta badan u hadlaa waxaaban is odhan karaa in ay hadalkaba ka habaaran yihiin.

    Waxa uu sheegay in hadalkii siyaasiyiinta lagu ogaa ee xurmada iyo qadarinta lahaa inayna habayaraate ku jirin.

    Waxa uu sheegay oo kale wasiirka Dalxiiska Somaliland C/risaaq oo xalay isna ku eedeeyay salaadiintii iyo cuqaashii dhawaan tagtay saylac in ay xisbiyada mucaaradka ahi ay ka danbeeyaan , waxa uu sheegay inay salaadiintu cidna ayna ahayn mucaarad iyo muxaafadba iyaga ayaa u ah dhinacna maaha.

    Waxa uu kaloo uu sheegay ninkan odayga ah ee jaamac yaasiin ee isna xalay salaadiinta ku sheegay kuwa fidno wadayaal, waxaan leeyahay ayuu yidhi salaaadiinta iyo cuqaasha aad ku sheegayso fidno wadayaal agtayada waxa ay kaga jiraan baal dahaba waxa uu sheegay waa kuwa aad ku caano maalayso nabada ay keeneen hadii ay iyagu jireen nabadi majirteen ayaan ku leehay ninkaa jaamac yaasiin , waxa kale oo aan leehay hadalkaa aad xalay tvga aad ka sheegtay yuunan kugu soo noqon jaamac yaasiinow.

    Waxa uu ku yidhi Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Hubsiimo halbaa la siistaa ama Inta uu hadalku afkaaga ku jiro ayuu amaano yahay , ama intaadan falin ka fiirso.

    Waxaan ku odhan lahaa jaamac yaasiinow ka fiirso hadalada aad warbaahinta aad marinayso dadka lama taabtaanka wax ka sheegistooda.

    Shirka-Jaraa’id iyo Su’aalaha la Waydiiyey  oo dhamaystiran kala soco halkan Hoose.

    Halkan ka Dhageyso Shirka Jaraa’id

    Reporter:Jaabir Ali Omer

    Borama(Bnn)

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: