SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maalinta Sabtida Oo Marxuun Fagadhe Lagu Aasi Doono Hargaysa

    Posted by Sawnews.tk on December 30, 2009

    Hargaysa,(Sawnews)-Waxa maalinta sabtida la keenayaa caasimada Somaliland maydkii Ilahay ha u naxariistee marxuun Maxamuud  Nuur Saalax Fagadhe oo ahaa wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalka Faransiiska.

    Aaska marxuunka maalinta sabtida ka dhici doona caasimada Somaliland ayaa waxa soo qaadista maydka marxuunka  ayaa waxa uu maanta madaxweynahu uu u magacaabay gudi qabn qaabo oo ka kooban shan xubnood gudidaasi oo uu gudoomin doono wasiirka deegaanka mudane Maxamed Dirir Xagar.

    Waxa kale oo gudidan ka mid ah wasiirka qorshaynta qaranka mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare} gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiir ku xigeenka arimaha dibada mudane Axmed Ismail iyo wasiirku xigeenka mudane Axmed Xaashi.

    Soo qaadista maydka marxuunka oo si aad ah loogu diyaar garoobay, ayaa ilaa maalintii uu marxuunku geeriyooday xukumada Somaliland waxa ay si aan kala joogsi ahayn ugu hawlanayd sidii ay maydka marxuunka u soo qaadi lahaayeen , taasina waanu ku guulaysanay sidaasi waxa maanta saxaafda u sheegay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada mudane Axmed Ismail.

    Dhanka kalena waxa jira warar been abuur ah iyo buun buunin oo ay saxaafada qaarkeed ka qoraysay halka lagu aasi doono marxuunka oo ay xukumada Somaliland beenisay in ayna marnaba maydka marxuunka ku doorsanynin in la soo qaado maydka oo lagu aaso dal kale oo aan ahayn dalka Somaliland.

    Source-Qarannews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: