SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xaflad soo dhawayna oo loo sameeyay dhakhaatiirtii ka qalin jabisay jaamacada Cammuud kana soo noqday shaqo gobolada bariga ee Somaliland +Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on December 29, 2009

    altBorama(Sawnews) xaflad soo dhawayna ayaa galabta waxaa loo sameeyay qaar ka mid dhakhaatiirtii ka qalin jabisay jaamacada Cammuud qaybteeda caafimaadka, Xafladan ayaa waxaa soo agaasimay ardayda dhigata qaybta caafimaadka ee jaamacada CAMMUUD. Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin, dhakhaatiir, salaadiin, arday iyo marti sharaf kale oo fara badan.

    Dhakhaatiirtan ayaa waxa ay maqnaayeen mudo dhawr bilooda waxa ay shaqo qaran ugu maqnayeen gobolada bariga ah sida saaxil, Ceerigaabo, togdheer .

    Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa lagu furfuray aayadihii quraanka ahaa sida caadiga ah.

    Waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha ardayda caafimaadka dhigata Dr: Adam Ibraahim Liibaan waxa uu u mahad naqay ka soo qayb galayaasha xafladan waxa uuna u mahadnqay dhakhaatiirtii soo dhamaysatay shaqo qaranka waxa uu sheegay inay qaybaha kale ee dhigta qaybtan caafimaadka in lagu daydo lodadkaa hore sida wanaagsan ee dadkooda ay ugu adeegayaan.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay  Madaxa qaybta caafimaadka jaamacada CAMMUUD Dr: Siciid Ahmed Walhad. Dr: waxa uu sheegay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay qaybtan caafimaadka waxa uu sheegay inay illaahay mahadii ay tahay in iminka midhihii beertii ay beereen in iminka la guranayo, waxa uuna sheegay in ay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay usoo saari lahaayeen da’yartii iyaga badali lahayd.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadashay Dr’s: Faatima X/Abokor waxa ay sheegtay inay farxad aan la soo koobi karayn ay utahay dhakhaatiir wadankooda wax ku bartay hadana dadkoodii u shaqaynayo,waxa ayn sheegtay markii hore in lala yaabsanaa oo la is lahaa ma suuroobi karto qaybtan caafimaadka ah laakiin illaahay mahadii dadaal badan iyo dulqaad ayaa keenay midhahan ayay tidhi Dr’s.

    Sidoo kale halkaa waxa tix gabaya oo amaana ka soo jeediyay mid ka mid ah ardayda oo la yidhaahdo C/rashiid  C/laahi C/raxmaan waxa uuna sheegay inay dadaalka sii libin laabi doonaan.

    Dhinaca kale waxaa halkaa ka hadlay laba dhakhtar oo ka mid ah dhakhaatiirtii shaqada qaran soo dhamaysatay ,w axa ayna sheegeen in si wanaagsan looga soo dhaweeyay goboladii ay ka hawlgalayeen una hayaan abaal.

    Waxa ayna sheegeen in ay hawlo badan oo badbaadina ah ay soo qabteen illaahayna la garabgalay, waxa ay sheegeen in markii ay ka soo baxayeen gobaladaas ay dadkii u ooyeen oo ay yidhaahdeen ha naga tagina ee nala jooga , laakiin waxa ay sheegeen in ay dhakhaatiir kale u iman doonto oo ka socda jaamacada Cammuud.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Suldaan X/C/raxmaan Jaamac Dhawal, Suldaanku waxa uu sheegay inay jaamacadani mudan tahay sharaf , ardaydana waxa uu ku adkeeyay inay sharaftaa ay huwantahay ay ilaaliyaan, waxa uuna sheegay inuu ka mid yahay jaamacada camuud Dadka la taliya xaga oday dhaqameedyada waxa uuna sheegay inay tahay jaamacada Qudha ee caalamka laga aqoonsanyahay Suldaanku waxa uu hadalkiisii ku soo koobay in lawada dadaalo.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay  X/Axmed Miisaan oo ah odayaashii dhidibada u aasay jaamacadan waxa uuna sheegay inay ku faraxsanyihiin in durdaba la hayo midhihii ay abuureen.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Dr:Askar waxa uuna sheegay inay ku faraxsanyihiin midhahan soo baxay kuna dhiiri galinayaan inay sii wadaan dadaalka , dadkoodana ay waxa uqabtaan.

    Sidoo kale halkaa waxa ka hadlay Agaasimaha Dhakhtarka wayn  Dr:Ismail Muxumad Aye waxa uu sheegay inuu umahadnaqayo dhakhaatiirtan soo dhamaysatay waajibaadkoodii ku aadanaa Dadkooda , ayna dhawaan dirayaan dhakhaatiir kale una diri doonaan goboladii ay ka yimaadeen.

    Sidoo kale hadalkii waxaa soo xidhay  Gudoomiye ku xigeenka jaamacada Cammuud Pro: Axmed Boqore waxa uusheegay inay farxad u tahay dhakhaatiirtani una mahadnaqayo macallimiinta soo saartay midhahan iminka lagu intifaacsanayo.

    Runtii waa guul ayaa la odhan karaa dhakhaatiir aad u da’yar hadana qabanaya waxa ay qabtaan dhakhaatiirtii hore waxana la odhan karaa waxaa taas usuuro galisay Dadaalka ay had iyo jeeraale u hureen Dhakhaatiirta ka hawgala jaamacada Cammuud oo uu ka gadhwadeen yahay Dr: Walhad.

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    Reporter:Jaabir Ali Omer
    Borama(Bnn)


    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: