SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Siilaanyo oo U Baqoolay Dhinaca Dalka Maraykan Iyo Xisbiga Kulmiye oo Qarka u Saaran Burbur

    Posted by Sawnews.tk on December 29, 2009

    Hargeysa (Qarannews) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay dalka ka baqoolay, iyadoo uu xisbiga KUMLIYE uu ka dhex aloosan yahay khilaafkii ugu darnaa ee abid soo mara tan iyoi intii la aasaasay. Haddabaa, khilaafkan oo u dhexeeya Guddoomiye Siilaanyo iyo Muse Biixi iyo Xoghayaha guud oo isku dhinac ah, ayaa waxa wararku sheegayaan inuu ka dhashay magacaabida dhawr xubnood oo xisbigu u magacaabay jagooyin cusub, kuwaasoo Md Siilaanyo aanu raali ka ahayn, balse uu magacaabistooda ku doodayo Muuse Biixi, oo isagu beelha xubnahaasi ka soo jeedaan ka doonaya inuu ka helo taageero siyaasadeed.

    Muse Biixi oo lagu xanto inuu xuurto ku haysto Xisbiga KULMIYE iyo Axmed Siilaanyo-ba, ayaa waxa wararku intaa ku darayaan in khilaafka dhex maraya isaga iyo Siilaanyo uu ilaa heer gaadhay la is weydaarasaday hadalo kulul iyo weedho calculus oo siyaasiyan laf-jab ku ahaa Muse Biixi markii uu Md. Siilaanyo kaga dhawaajiyey hadalada qaarkood, kuwaasoo ay ka mid ahayd “Waar Xisbiga adigaa Gar-xajis oo dhami kaaga carareen”.

    Halka Muse Biixina uu ku hanjabay in aanu Siilaanyo sinaba doorashada ugu guulaysan doonin sababta oo ah ayuu yidhi Muuse Biixi: “Adeer Walaahi in aanad cod ka soo qaadi doonin Gol-janno iyo Jigjiga yar toona. Waayo reerkayga waxa u sharaxan Madaxweyne-ku-xigeen waxaanay haystaan Wasiir Daakhili.”

    Khilaafkani ma aha uun mid labadaas shaqsi ku kooban hase ahaatee waa mid baahay oo xitaa gaadhay xubno sare oo xisbiga kulmiye ka mid ah kuwaasi oo ka mid ah xisbiga Kulmiye, xaga wara rasmi ahi ay sheegayaan in xooghayaha arimaha dibada ee Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi uu cadho xoogan iyo diidmo qayaxan kala hor yimid gudoomiyaha xisbiga Kulmiye xiligii uu Siilaanyo ku eedeeyay xukumadu in ay ka danbaysay sarkaalkii ciidamada qaranka ka tirsanaa ee dhawaan lagu dilay magaalada Laascanood, taasi oo xooghaya arimaha dibada ee Kulmiye uu sheegay in aanu hadalkaasi ka filaynin gudoomiyahooda, dhanka kalana waxa jira xubno mihiim ah oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo ka biyo diiday socdaalka gudoomiyahooda ee xiligani uu ku baxaayo kaligii, iyada oo uu sheegay Siilaanyo in uu socdaalkiisani yahay mid shaqo ee aanu ahayn mid shaqsiyadeed taasi oo tageerayaal badana dareen xoogan galisay.

    Si kastaba aha ahaate, waxa dad badani isweydiinayaan sida Xisbiga KULMIYE doorasho isugu soo taagi doono, iyadoo ay sedan isu haystaan masuuliyiintii sare ee Xisbigu. Iyo qaabka uu doonayo inuu kula tartamo Xisbi talada haya ee UDUB iyo UCID.

    Source: Qaran News

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: