SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxda Jaaliyadda Awdal ee London oo Wasiirka Hawlaha Guud Mud. Siciid Sulub Si Heer Sare ah Ugu Soo Dhawaysay London.

    Posted by Sawnews.tk on December 29, 2009

    reer-awdal-iyo-wasiir-siciid-sulub-1(Harowo) – Maanta oy bishu hayd 27/12/09, waxa madaxda Jaaliayada AWDAL ee Londan ay qado sharaf ugu sameeyeen Wasiirka H/guud Mudane Siciid Sulub, oo booqasho ku jooga carirga Ingiriiska. Waxaan halkaasi ku soo dhaweeyey Munaasabdii Wasiirka Mudane Mohamed Hasan Mataan oo ah Af-hayeenka Xisbiga udub U.K, ka dibna waxa uu hadalkii ku wareejay Madaxda Jaaliyada Awdal si ay wasiirka ugu waramaan. Waxana hadalkii qaatay labada odey ee kala CABDI MAXAMUUD  ISMAACIIL (CABDI-WEYNE) IYO IDRIS  MAYDHANE WARSAME, oo wasiirka ugu xog waramay xaalada dalka iyo dadka, gaar ahaan Reer S/land iyo Taageerad Xisbiga Udub u hayaan ama ay ugu diyaar garoobayaan Doorashada dhawaan dalka ka dhaci doonta, isla markaana ku guubaabiyey Xukuumada in ay si adag oo dadaal badan ugu hawl gasho hirgalinta Doorashada.

    Ka dib,  hadalkaasi odayssha waxa qaatay oo la wareeegay Wasiirka H/Guud Mudane Siciid Sulub, oo si kooban ugu xog waramay Xaalada Dalkii halka ay marayso, qorshayaasha xukuumada iyo sida ay ugu diyaar garowday inay si habsimi ah ay uga qeyb qaadato Doorashada dhawaan dhacaysa. Wasiir Sulub wuxuu ka waramay Heshiiskii Sadaxda xisbi Qaran iyo mabdi’yan sida loogu heshiiyey isla markaana si cad u sheegay sida ay xukuumad ahaan ugu go’an tahay hirgalinta Doorashada iyo Heshiiskuba.

    Wasiirku wuxu si weyn ugu mahad celiyey Jaaliyada Awdal sida qiimaha iyo sharafta leh ee ay u soo dhaweeyeen isla markaan uu ka codsaday in ay kordhiyaan Taareerada Xisbiga Udub maadaama doorashadii dhawdahay. Ka dibna waxa sii socotay soo dhawayntii Wasiirka oo ay Fadhi Rasami ah sii wada qaateen, madaxdii Jaaliyada Awdal.

    reer-awdal-iyo-wasiir-siciid-sulub-7

    reer-awdal-iyo-wasiir-siciid-sulub-1

    reer-awdal-iyo-wasiir-siciid-sulub-6

    reer-awdal-iyo-wasiir-siciid-sulub-8

    reer-awdal-iyo-wasiir-siciid-sulub-9

    reer-awdal-iyo-wasiir-siciid-sulub-11

    reer-awdal-iyo-wasiir-siciid-sulub-12

    reer-awdal-iyo-wasiir-siciid-sulub-13

    Maxamed Xasan Mataan – London

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: