SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Markab Mucaawimo u sida Itoobiya oo Berbera kusoo Xidhay

    Posted by Sawnews.tk on December 28, 2009

    Berbera Port

    Berbera(Sawnews)– Markab wayn oo nooca Xamuulka ah sida Raashin Macaawimo ah oo loo wado dalka itoobiya ayaa maanta kusoo xidhay Dekeda Magaalada Berbera.

    Markabkan oo u raran Hayada Cunta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa sidan Raashin Mucaawimo ah oo dhan ku dhawaad 86 Kun oo tan taas oo loogu talo galay in lagu caawimo malaayiin Itoobiyaan ah oo ku macaluulsan Dalka itoobiya.

    Afhayeen u hadlay WFP oo lagu magacaabo Micheal ayaa sheegay in markabkani yahay kii afraad ee sanadkan laga soo dajiyo Dekeda Berbera loona wado Itoobiya isagoo sheegay inanaay jirin meel kale oo WFP ay ka dajiso hadda mucaawinada ay u wadaan Itoobiya.

    Mr Micheal wuxu intaa ku daray in Bilawga Sanadka cusubna ay keeni doonan mucawimo dhan 30 kun oo tan oo la geyn doono Itoobiya.

    Sarkaal u hadlay Dekeda Berbera ayaa sheegay in Sanadkii tagay ay Hayadaha Caalamiga ah ee Mucaawimadu ay dekeda Berbera kalasoo degayn Raashin dhan 200,000 tan oo la geeyey itoobiya isagoo intaa ku daray in Gawaadhida Itoobiya iyo kuwa Somaliland ay si wada jir ah u daabulayaan raashinkan.

    Sarkaalku wuxu intaa ku daray in Markabkan hadda yimid ay dalku ka faaiidi doono lacag dhan hal milyan oo dollar oo kasoo xaroon doonta Cashuuraha, Xamaaliinta raraya, Gawaaadhida Daabulaya iyo Shaqaalaha kale ee ku hawlan taas oo faaiido u ah buu yidhi horumarka wadanka.

    WFP ayaa sanadkii hore go’aansatay inay mucaawimada Itoobiya u wado soo mariso Dekeda Berbera iyadoo taas keentay in Somaliland ay ka faaiido dhaqaale badan oo kasoo gala.

    Borama News Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: