SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Manchester united oo ku ciil baxday Hull city.Arsenal oo dhirbaaxday Aston villa,Chelsea oo dhutiyeysa,se ma taqaan ciyaaryahana loogu neceb yahay dalka England,Ciyaaryahanka Abel Xavier oo Muslimay

    Posted by Sawnews.tk on December 28, 2009

    EPL: Wayne Rooney, Hull - Manchester United (Getty Images)

    Kooxda Manchester united ayaa waxay ku dur durisay kooxda Hull City, Kulan maanta ku dhex maray garoonka Merlin Park ee Hull City, waxaana goolasha u saxeexay Man Unt, laacibka wayn ee Rooney iyo Berbtov. Guushan waxay Man unt ku jirta kalinta labaad waxayna ku durqisay Chelsea oo maalmahan ka bixila bar baro,

    Dhinaca kale waxaa ciyaaray Arsenal iyo Aston vila, waxayna ahaa kulan aad u adag,Arsenal ayaa soo bandhigtay ciyaar wanaagsan oo dad waynihii daawanayey u bogeen,xalkaas oo ay ku bahdishay kooxda Aston villa oo ka soo wada badisay naadiyada waa wayn sida Man unt iyo Liverpool iyo Chelsea waxayna ku dhamaatay sadex iyo eber,waxana u saxeexay goolasha Cesc Fabregas oo gadaal ka soo galay ciyaarta wacdarana dhigay se dhaawacmay, wararka danbe ayaan ku ogan doonaa dhawiciisa inta uu leegyahay.

    Kooxda hogaanka u heysa horyaalka Ingiriiska Chelsea ayaa mar kale ku guul dareysatey iney la hoyato 3 dhibcood markii ay bareejo ama barbardhac  goolal la `aan ah ku kala bexeen kooxda sanadkan wacdaraha shiday ee Birmingham. (Birmingham – Chelsea 0-0.,)

    Dhanka kale Tababaraha cusub ee Manchester City Roberto Mancini ayaa badiyey kulankiisii ugu horeeyey markii ay 2-0 ku dhufteen kooxda Stokke, Martin Petrov (28) Carlos Tevez (45) ayaa labada gool qeybtii hore u kala dhaliyey Man.City.Manchester C. – Stoke 2-0 ,

    Liverpool ayaa sidoo kale 2-0 ku badisay markii ay isqaabileen kooxda Wolverhampton iyadoo nuskii saac ee ugu dambeeyey ay goolasha u kala dhaliyeen kabtan Gerrard iyo Yossi Benayoun.Liverpool – Wolverhampton 2-0,

    image

    Aqristoow horay waxaad u maqli jirtay ama aad u akhrisan jirtay warbaahino ka hadlaya sida ciyaaryahanka loogu jecelyahay, ciyaaryahanada ugu wanaagsan, ama kooxda ugu kubadda wanaagsan,laakiin maanta waxaa idin soo gubin doonaa warbaxin cajiib ah oo lagu  daabacay Majalada caanka ah Ee “Talksport” Ee Dalweynaha Britain ka so baxda, iyadoona warbaahintaan ay qortay Majalada ay dad badan ka yaabisay, waxeyna shaacisay Majaladni 10-ka ciyaaryahan Ee loogu nacebyahay wadanka England guud ahaan, iyadoona codbixin ay ka qaaday shacabka ku nool Engalnd ay ku ogaatay 10- ciyaaryahan Ee loogu nacebyahay Gudaha Ingiriiska.
    Qiimeyntan ayaa waxaa si layaab leh ugu so muuqday Ciyaaryahanka adduunka ugu qaalisan Ee Cristiano Ronaldo oo horay ugu ciyaari jiray Naadiga Manchester United, waxaana sidoo kale si cajiib ah ugu soo muuqday Captain-kii hore Ee Arsenal Theiry Henry oo haatan Barcelona ku sugan.
    Sida la filayay waxaa ka soo muuqday Joy Barton oo ah Xiddig ka tirsan Naadiga New Castle oo heerka 2aad Ee England ciyaarta, waxuu xiddigaan noqday ciyaaryahnka 1aad Ee loogu nacebyhay wadanka England, isagoona muteystay inuu dhowr mar galo xabsiga, ka dib markii uu aflagaaden jinsi faquuq ah kula kacay saxiibkiisa hore Ee isku kooxda ahaayeen Ee Dabo oo ay Manchester City kawada tirsanaayeen.
    Sidoo kale waxaa liiska ku jira Ciyaaryahnada Deof iyo Savage kuwaasoo ku caan baxay ka horimaanshaha go’aanada garsoorayaasha iyo aflagaadeynta taageeryaasha Naadiyadooda, waxeyna sidoo kale ku caanyihiin qaadashada kaararka cas.

    Haddaba 10-Ciyaaryahan Ee loogu Nacebyahay Guud ahaan Wadanka England waa kuwaan:

    Magaca:                  Kooxda

    1. Joy Barton          (New Castle)
    2. Gary Nevile         (Manchester United)
    3. Al Haji Deaf         (Blackburn)
    4. Lehman              (EX-Arsenal,haatan Naadiga Stutgart)
    5. Cristiano Ronaldo  (Ex-Man United,haatan Real Madrid)
    6. Ashley Cole         (Chelsea)
    7. Didier Drogba       (Chelsea)
    8. Graig Belamy        (Manchester City)
    9. Theiry Henry        (Ex-Arsenal,haatan Koxda Barcelona)
    10. Robert Savage     (Derby County)

    Abel Xavier
    Faisal Abel Xavier

    Dhanka kale Xidigii hore ee qaranka Bortoqiiska Abel Xavier ayaa ka fariistay cayaarta kubada cagta isla markaana sheegay inuu qaatay diinta Islaamka.Faisal Xavier wuxuu diinta Islaamka qaatay 22kii bishan ka dib markii uu ka fariistay cayaarta kubada cagta isagoo kooxdii ugu dambeysay ee u u safto ay aheyd kooxda LA Galaxy ee dalka Mareykanka oo uu sanadkii hore ku biiray kana mid noqday xidigaha ka dhinac cayaara David Beckham oo ay isku koox noqdeen.

    Faisal  Xavier mar uu ka sheekeynayey qaadashadiisa Diinta Islaamka wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaadashada caqiidadiisa cusub.wuxuuna yidhi.

    “Waqtiyadii adkaa ee aan soo maray waxey niyadeyda ku qabowday diinta Islaamka waxaana ka bartay diinta Islaamka iney tahay diin nabadeed, cadaalad ah, xornimo iyo rajo ah ayuu yiri Faisal oo ka sheekeynayey soo islaamidiisa.”

    Faisal Xavier wuxuu usoo cayaaray kooxo waa weyn oo ka kala dhisan dalal badan sida kooxaha dalkaPortugal ee Estrela da Amadora iyo Benfica, Italy Bari iyo Roma, Spain Real Oviedo, Netherland PSV, England Liverpool iyo Everton, Turkiga G.


    by  Muxiyadiin ibraahim qawrax
    qawrax934@hotmail.com
    www.xanaano.4t.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: