SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Cabdiraxmaan Saylici Tageeradiisu Qasaare Ta Daahir Rayaale Ka Wayn Ayay Soo Wadaaye Yaan Duuduub Ku Qaado Mar dambe Inagu dhicin Ee Ha La Iska Qiimeeyo.by: Cabdale Farah Sigad

    Posted by Sawnews.tk on December 28, 2009

    Dadka Reer Awdal Waxa La Gudboon In Ay Marka Hore Iska Qiimeeyaan Qofka Ay rabaan In Uu Mashraxa Siyaasada Magacooda Ku Fuuno Oo Uu Iyaga Matalo Si Aanay Hadhaw Uga Qoomamaynin

    Waxa nasiib daro ah iyada oo Daahir Rayaale wakhtigii uu mashraxa siyaasada fuulayay aan laga fiirsan oo aan la iska qiimayn taasina ay tahay ta maanta keentay dhibaatada taagan ee ah in laga cawdo oo lagu eedeeyo in uu yahay nin danihiisa maahee aan danta dadka reer Awdal danaynayn, ayaa hadana waxa muuqata in dadka reer Awdal ay mar labaad si dhibyar iskugu dhiibayaan nin aan lahayn talo ama wax muuqda oo lagu raaco kaasi oo ah Mudane Saylici oo u taagan mansabka madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga kulmiye .

    Dad badan oo reer AWDAL kamida ayaa waxay ku andacoodaan in aanu saylici haatan masuuliyad hayn dabadeedna ay tahay in laga dhursugo maalinta uu jago qabto laakiin marka runta loo dhaba galo dadkaa sidaa ku fikirayaayi waxay iska indha tirayaan dhaqanada  muuqda ee uu haatanba Saylici ku dhaqmayo.

    Dhaqanada Saylici waxa kamida oo ugu horeeya isaga oo aan ka hadal danta gobolka uu kasoo jeedo iyo isaga oo jecel markasta in uu raali galiyo shakhsiyaad  ka mida maamulka xisbiga uu ka tirsanyahay. Shakhsiyaad kaas oo iyagu cadaysta colaada iyo karaha ay u qabaan bulshada reer Awdal waxana kamida shakhsiyaad kaa ina biixi iyo Axmed Kaahin oo labaduba markay ka hadlayaan ina Rayaale gobolka Awdal iyo dadka reer Awdal guud ahaan dhaga xaraan iyo hadalo deelqaafa kula kaca.

    Kama wado muxuu Saylici  u difaaci waayeen ina Rayale oo taasi isaga wax quseeya ma,aha ee arimaha reer Awdal ku saabsan iyo in la kala saaro ina Rayaale in uu xisbigiisa u muujiyo ayaa haboon.

    Waxa intaa dheer iyada oo aan  wada ognahay halka ina biixi uu kaga jiro ol’olaha ceelbardaale laakiin wali ma, inaan maqal Saylici oo maalin kaliya ka hadlaya barakaca dadka reer Awdal lagu hayo ee ku wajahan ceelbardaale.

    Waxa hubaala hadii uu Saylici muujin lahaa mucaarid nimada ina Rayaale uu u hayi in ay salka ku hayso darxumada  iyo sharaf darada iyo xaqdarada Awdal haysata in dadbadan oo aan anigu ka mid ahay ay taageeri lahaayeen Saylici.

    Waxa kale oo jirta Saylici marka la waydiiyo sobobaha  uu uga hadlilaayahay arimaha reer Awdal ama marka Awdal wax laga waydiiyo in uu  ku jawaabo  erayo muujinaya in uu iska fogaynayo arimaha reer Awdal dabadeedna dabnihiisa uu u duwo dhankaa iyo erayga Somaliland .

    Waxana is waydiin mudan saylici ma reer Somaliland kale ayuu cod ka sugayaa ilayn mar haduu siilaanyo siiyay kursiga waxa uu sugaaba waa footka reer Awdal ee uu ugu balanqaaday siilaanyo e

    Waxa kale oo uu Saylici ku caan yahay markasta oo uu ol’ole siyaasdeed wado in uu si dadban dadka reer Awdal u kala qoqobo. Waraysiyada Saylici lala yeesho wuxu ku muujiyaa in ay beelihiisu wada raacsanyihiin isaga oo ka wada beelaha sharafta leh ee mahadcase taasina waa aqabadaha koobaad ee lagu kala fogaynayo beelaha reer Sheekh samaroon.

    Saylici horay waxa uu u cadeeyay in uu rabo in uu dadka reer Awdal kala saraysiiyo isaga oo ku taamay arimo badan oo tiiraanyo qabyaaladeed iyo xamaasado dadka kala dilayaayi ka muuqdeen wakhtigii uu yimiday Ingiriiska

    Mana haboona inaga oo haatan sidana in aan hadana u sacaba tuno nin aan mabda Awdalaysan aaminsanayn

    Gaba gabadii Dadka Reer Awdal Waxa La Gudboon In Ay Marka Hore Iska Qiimeeyaan Qofka Ayrabaan In Uu Mashraxa Siyaasada Magacooda Ku Fuulo Oo Uu Iyaga Matalo Si Aanay Hadahaw Uga Qoomamaynin

    Waxa dhici lahayd in aan aniga laftaydu  taageeri lahaa Saylici hadii uu danaha AWDAL macaarid u yahay laakiin taasi maaha mid haatan ii muuqata umana maleeyo in uu Saylici yahay ninkii aan maanta ku daba fayli lahayn waxanan kula talinlahaa dadka Rayaale kasoo taagan ee  siyaasadana wali quudayaayi in ay bal dhankaa iyo Ucid u diga rogtaan ama iskaga hadhaanba intay taladu sidan tahay.

    Cabdale Farah Sigad

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: