SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xubin Ka Tirsan Madaxdhaqmeedyada Beesha Ciise Oo Salaadiinta Reer Awdal Ku Eedeeyey Inay Dhulkaa U Tageen Arrimo Aan Shaqadooda Ahayn

    Posted by Sawnews.tk on December 27, 2009

    Boorama, December 27, 2009 (Haatuf) – Xubin ka tirsan nabadoonada Gobolka Selel oo haatan ku sugan Boorama, ayaa salaadiinta reer Awdal ee socdaalka ku tagey Gobolka Selel ku eedeeyey inay dhulkaa u tegeen sifo ka baxsan shaqadooda, sidaa darteedna loo baahnaa inay wax ka qabtaan xasiloonidarada ka taagan Ceelberdaale iyo meelo kaleba.

    Xubintan oo magaciisa la yidhaa Axmed Daahir, isla markaana sheegtay inuu ka mid yahay nabadoonada beesha Ciise ayaa war ku saabsan socdaalka salaadiinta reer Awdal ay Gobolka Selel ku tagay ku yidhi:-

    “Waxaan la yaabay socdaalka salaadiinta ree Awdal ee tiradaa lihi ku tageen  Gobolka Selel. Salaadiintaasi waxay dhulkaasi u tageen la garan maayo, waayo meelo kale oo nabadgelyo darro ka jirta oo ay ka mid yihiin Ceelberdaale iyo Harawa oo ay isku dilayaan dad ehel ahi ayaa looga baahnaa. waxa kale oo salaadiinta iyo madax-dhaqmeedyasda shaqadoodu tahay inay dadka ishaysta kala saaraan, meeshaasi ma yaallaan wax is haystaa, dhulkaana nin ilaahay meeshii uu dhigay ayuu leeyahay, mana aha inay dhulka dawladdu shuqlka ku leedahay haddal ka keenaan oo dadka dhulkaasi nabadda ku jooga qalallaase geliyaan. Waxaan salaadiintaa kula talinayaa inay ka waantoobaan arrimaha noocaas ah, isla markaana shaqadooda ku ekaadaan dhulkaasina aanay jirin wax shaqo ah oo u taallaa”.

    Source Haatuf

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: