SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalka Faransiiska Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe)oo Maanta Geeriyooday

    Posted by Sawnews.tk on December 27, 2009

    Paris(Sawnews):- Allaha u naxariistee waxa maanta geeriyooday Wakiilkii  Somaliland u fadhiyay dalka Faransiiska Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), oo dhawaanahanba halkaas ku xanuunsanayey.

    Wararka ka imanaya Magaaladda Paris, ayaa sheegaya in Illaahay ha u naxariistee, uu maanta Duhurkii geeryooday Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe). Allaah ha u naxariistee Marxuumku bilihii u dambeeyay-ba waxa la daris ahaa xaalado xanuun oo hoos u dhigay dhaqdhaqaaqiisa, ilaa uu maanta ka geeryoonayay.

    Guud ahaanba bahda Shabakadda wararka ee Sawnews, waxay tacsi u dirayaan qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ahaa dubla-maasi muddo dheer siyaasadda ku soo jiray. Waxaanannu Illaahay uga baryaynaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo Marxuumka Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo guud ahaanba Qaranka Somaliland, gaar ahaanna Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku.

    Aamiin Aamiin Aamiin.

    Innaali-laahu wa innaa Ilahayhi-raajucuun.

     
     

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: