SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Taliyaha Ciidanka Booliska ee SL. Oo Xaalad Caafimaad Dibadda ugu baxa Iyo Khilaaf Hadheeyay Kulmiye

    Posted by Sawnews.tk on December 27, 2009

    Hargaysa,(Sawnews)-Warar aanu ka helnay Ilo xogogaal ah ayaa shaaca ka qaaday in xaalad Caafimaad oo deg-deg ah Taliyaha Booliiska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad loogu qaadi doono Dalka dibaddiisa kaasi oo uu ku horeyn doono dalka Itoobiya .

    Warar aanu hayno oo aanu ka helay ilo xogogaal ah ayaa waxay sheegayaan inay Taliyuhu Xanuunka ku soo booday uu yahay Gaastari sida ay tahay xaaladda Caafimaad ee Taliyaha ayaa ah mid aan sii weynayn , balse Xukuumaddu kamay soo saarin wax war ah .

    Dhinaca kale warar aanu isla galabta helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Socdaal ugu ambabixi doono Maalmaha soo socda Dalka Maraykanka .

    Wararka naga soo gaadhaya ilo ku dhaw dhaw ayaa sheegaya inuu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mr Siilaanyo Socdaalkiisaasi ku saabsan yahay Kulan uu la yeelan doono senator Donald payne.
    Inkasta oo aan wax war ihi kasoo bixin Xisbiga Kulmiye ila lagu kalsoonyahay ayaa sidaasi noo xaqiijiyay .

    Safarka Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu qaadan doono muddo bil ah,waxaanu ku soo hagaagay xili Xisbiga uu ka dhex taagan yahay olole masuuliyiintiisu ku kala jiidanayso awoodda Xisbiga, taasi oo sababtay in la magacaabo xilal been-been ah oo lagu kasbanayo shakhsiyaad Xisbiga ka mid ah iyo kuwo doonaya inay ku soo biiraan iyo kala saarid la,aan dhinaca Masuuliyiinta Kulmiye ah oo kala saari la,a cidda xil u haysa iyo cidda sheeganaysa

    Dhanka kalena waxa jira warar rasmi oo sheegayaan in khilaaf xoogan oo baryahanba dhexyaalay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo gudoomiye ku xigeenka Muse Biixi iyo xooghayaha xisbiga mudane Kayse uu maanta gaadhay meeshii ugu xumayd, taasi oo ka danbaysay markii maanta uu gudoomiye ku xigeenka Muse Biixi iyo gudoomiyaha xisbiga iyo xooghayaha xisbigu ay isku mawqif istaageen, taasi oo dhowr cisho ka hor ay Muse iyo Kayse isku mawqif ahaayeen, isla markaana maanta waxa hadalo kul kulul is waydaarsaday sadexdaas masuul oo Muuse dhanyahay, isla markaasna ay isku siyaasad noqdeen gudoomiye Siilaanyo iyo Xoogahye Kayse, arintani oo sigtay in maanta xisbigu uu burburo.

    Hadaba baxitaanka xiligan ee gudoomiye Siilaanyo uu dalka dibada uga baxaayo xili uu khilaaf xoogani dhexyaalo xisbiga Kulmiye ayaa dad badani ay u arkaan in ay tani iyaduna sii hurinayso colaada iyo xurgufta siyaasadeed ee xisbiga ka dhex oogan.

    Hadii uu Siilaanyo maanta xisbiga dibada uga baxo iyada oo uu sidaasi yahay waxa dhici karta in aanu xisbigaasi ka soo waaqsan dhibaatooyinka soo gaadha.

    Sida ay doontaba ha noqotee wax war ahi kama soo bixin xaga xisbiga Kulmiye oo ku saabsan khilaafkaasi iyo sida xal looga gaadhikaro iyo saamaynta ay ku yeelan karto xisbiga Kulmiye mustaqbalkiisa dhow iyo ka fogba.

    Source Qarannews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: