SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Komishanka Doorashooyinka oo kala diray Guddigii Farsamo ee Diiwaangelinta iyo Khataraha Dul-hoganaya Server-ka

    Posted by Sawnews.tk on December 27, 2009

    Hargeysa (Sawnews) Wasaaradda Arrimaha Guadaha JSL iyo Saddexda Xisbi Qaran ayuu marki ugu horaysa ka dhex dilaacay khilaaf ka dhashay go’aan ay Komishanku soo saareen oo ay ku kala direen toddobadii xubnood ee u xil-saarnaa Diiwaangelinta dhinca farsamada oo ka koobnaa laba xubnood oo ka socday Wasaardda Arrimaha Gudaha, Saddex xubnood oo ka socday Axsaabta iyo laba xubnood oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo kala ah sidan

    Komishanka

    1. Ismaaciil Muuse Nuur- Guddoomiye

    2 .Maxamed Yuusuf Axmed

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha

    1. Maxamed Jaamac Colow

    2. Maxamed Jibriil Faahiye

    Xisbiyada

    Kulmiye  Xuseen Axmed Caydiid

    Udub       Maxamed Ibraahim Rijaal Saajin

    Ucid        C/lahi Siciid Dheer

    Balse, markii la badelay Komishankii hore ee Doorashooyinka ay Komishanka cusubi magacaabeen laba xubnood oo kala ah C/fataax Ibraahim Xasan iyo Raabi Shariif Cabdi Maxamed.

    Toddobada Xubnood ee ah Guddiga Farsamada ee Komishanku kala direen ayaa ah Xubno Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyaashe Xeer Lr. 37/2007 uu awood u siiyay in ay ka shaqeeyaan arrimaha Diiwaangelinta, laga bilaabo maalintii la sammeeyay Xeerka Diiwaangelinta illaa iyo inta uu ka soo baxayo Liiska kama dambaysta ah ee uu soo saarayo Server-ku, sida ku cad Qoddobka 36aad ee Xeerka Diiwaangelintu oo u dhigan sidan :

    Qodobka 36aad.

    Guddiga Farsamo ee Hawlaha Diiwaan-Gelinta

    Si Xeerkan loo dhaqan-geliyo islamarkaana loona diyaariyo arrimaha farsamo ee hawlaha diiwaangelinta, isku-duwid loogu sameeyo hawlaha uu Xeerkani waajibinaayo,

    1. waxaa komishanku magacaabayaa Guddi Farsamo oo ka kooban:

    Laba  xubnood oo Komishanka Doorashooyinka Heer Qaran ah;

    Laba  Wasaaradda Arrimaha Gudaha ah;

    Saddex Xubnood oo ka kala socda Xisbiyada Siyaasadda

    2. Xilka guddigan farsamo wuxuu noqonayaa diyaarinta iyo dhammaystirka dhammaan hawlaha farsamo ee xeerkani waajibinaayo.

    3. Guddida Farsamada waxaa la hawl-gelinayaa isla marka la ansixiyo Xeerkan waxaanay shaqadoodu dhammaanaysaa marka hawsha diiwaan-gelinta la dhammays tiro. Hase yeeshee markasta oo ay Diiwaangelini jirto Guddida dib ayaa loo abuurayaa. Guddida waxaa Guddoominaya mid ka mid ah labada Xubnood ee ka socda Komishanka Doorashooyinka.

    Kala dirida Xubnahan oo sida la sheegay Komishanku qoraal ugu soo gudbiyeen Xisiyada Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxay ku abbuurtay in ay iyaguna qoraal ku lidi ah oo ay ku daadefaynayaan dib ugu celiyaan Komishanka, iyagoo sheegay in aanay awood u lahayn kala dirida Guddiga, iyadoo uu jiro la talliye sharci oo ay Komishanku leeyihiin kaasoo muddo badan hawshan soo waday kana mid ahaa Komishankii hore ee is-casilay, ayna ahayd inuu ka hor-joogsado tallaabadan ay qaadeen.

    Arrintan, ayaa waxa ay dhex-miranaysaa dhinacydan, waxaanay ku keeni kartaa, haddii aanay Komishanku ka noqon ama aanay keenin sharciyad ay ku kala diraan cawaaqib xumo sababta inay keento khilaaf dheeraada oo khatar ku noqon kara rajadii laga qabay in loo hawl-galo sidii Server-ka looga soo saari lahaa Liisaskii lagu gali lahaa Doorashada.

    Tallaabadan ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku talaabsadeen ee ka hor-imanaysa Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee jideeyay abbuuritaanka Guddigan ayaa wuxuu soo shaac saarayaa tuhuno laga qabo in ay jiraan heshiisyo qarsoodi ah oo ay wada galeen Komishanka iyo qaadhaan bixiyayaashu, taasi oo aan illaa hadda si cad loo ogayn inta ay le’egtahay, iyadoo Komishanku ay af-ka ka xidheen in ay Ummada u sheegaan sida ay wax u jiraan.

    Kala dirida Guddigan ayaa waxay khatar ku tahay hanaanka Dimqraadiyadeed ee salka u ah in la helo Doorasho Xor iyo Xalaal ah, iyadoo abbuuraysa dareen cabsi leh oo ay Komishanku ku baabi’inayaan daneeyayaashii Doorashada oo xaq u leh ka qayb qaadashada fullinta habsami u socodka Doorashooyinka, iyadoo u muuqata in aanay waxba ka badalin waddadii Komishankii hore lagu kala diray, oo ahayd in ay xilkoodii cid kale u daba-fadhiyaan

    Hore, ayaa waxa caqabad u noqotay kala diridii Guddigii Diiwaangelinta Ururadii Siyaasadda ee 2002dii la magacaabay, taasi oo dalka ku keentay khilaaf siyaasi ah, isla markaasna Kooto u xidhay Saddex Xisbi oo kaliya, waxaanay abbuurtay arrintaasi in ay waayaan Ururada Siyaasadee ee is-abaabulay in ay waayaan fursadihii lagu Diiwaangelin lahaa  si ay uga qayb qaataan Doorashooyinka.

    Wargeyksa Waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: