SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wer Deg-deg ah: Qarax Imika Gilgilay Magaaladda Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool Iyo Khasaaraha Ka Dhasha

    Posted by Sawnews.tk on December 26, 2009

    Laascaanood(Sawnews):- Hal qof ayaa ilaa hadda inta la ogyahay ku dhaawacmay Qarax Miino oo mardhawayd ka dhacay Bariga Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, meel u dhaw halkii lagu dilay Taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland horaantii bishii 11-aad ee sannadkan.

    Wararka ka imanaya Magaaladda Laascaanood, ayaa sheegay in qarax goor dhawayd oo goorsheegtu ahayd 6:10 (Lixdii iyo tobon daqiiqo) ee Makhribnimo, in Qarax Miino oo aad u xoog badani ka dhacay Buundo ku taalla waddada Laamiga ah ee gudaha Laascaanood, gaar ahaan dhinaca Xafadaha Bariga ee Magaaladdaas.

    Ilaa iyo hadda inta la ogyahay waxa Qaraxaas ku dhaawacmay Wiil dhalinyar ah oo aad ugu dhawaa goobta wax ka qarxeen. wararku waxay intaa ku dareen in goobta Qaraxu ka dhacay ee Bariga Magaaladda Laascaanood ay Ciidamada Ammaanku isla markiiba tageen oo ay hadda, iskuna wareejiyeen aagaas, isla markaana ay hawlgallo ammaanka lagu sugayo ka wadaan guud ahaanba  Xaafadaha iyo dhinacyada kala duwan ee Magaalada.

    Meesha Qaraxani ka dhacay, ayaa la sheegay in abbaaro Afartii galabnimo ee maanta laga helay laba midh ama laba Xabbadood oo Miino ah, hase ahaatee, waxa Miinooyinkaas gacanta ku dhigay oo halkii la dhigay ka soo qaaday Ciidamada Ammaanka, ka dib markii Carruur yar-yar iyo dad kale arkeen Miinooyinka aan qarixin ee hoos-yaalla Buundo Waddada Laamiga ah ee Magaaladda dhexmartaa dusheeda marto, halkaas oo ilaa boqol Mitir ama Tallaabo u jirta halkii lagu dilay Taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland horaanii bishii 11-aad ee aynu ka soo gudubnay.

    Si kastaba ha ahaatee, Qaraxan ayaan weli la aqoonsan ciddii ka dambaysay, isla markaana weli lama oga cid loo qabtay falkaas iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay wakhtiga qaraxu dhacay oo aad u dhawaa darteed, hase ahaatee, hal Wiil ayaa la ogyahay in uu ku dhawaacmay, ciidamaduna waxay ku jiraan hawlgallo ammaanku lagu adkaynayo iyo kuwo lagu baadi-goobayo ciddii Qaraxaas iyo Miinooyinka aan qarxin ee la qabtay-ba ka dambaysa.

    Wixii faahfaahin ah ee kaa soo baxa qaraxaas, khasaaraha ka dhashay, cidda ka dambaysay, cidda loo qabto iyo guud ahaanba wixii warar ah ee ka soo baxa Arrintaas ama ka soo kordha qaraxaas waxaanu idiinku soo gudbin doonnaa shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com.

    Cabdifataax Ismaaciil Mursal

    Hadhwanaagnews.com/Officce


    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: