SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Weftigii Uu Hogaaminayey Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Oo Booqday Maanta Magaalada Boorama.

    Posted by Sawnews.tk on December 26, 2009

    Boorama(Ramaas) Dis.26, 2009 – Weftigii uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin  ee booqashada ku joogay dalka muddo dhawr cisho ah, ayaa maanta booqday Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

    Weftiga oo ay magaalada Hargeysa ka sii galbiyeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland oo uu ka mid ahaa Wasiirka Maaliyada Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) waxa weftiga baarlamaanka Kenya maamulka Gobolka Awdal iyo ardayda Jaamacada Cammuud ay kaga hor yimaadeen tuulada Gorayo Cawl oo 7km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Boorame. Dadweynaha magaalada Boorame ayaa tubnaa wadooyinka hareerahooda iyagoo u sacbinayay intii weftigu jidka marayeen.

    Weftigu waxay soo booqdeen Jaamacada ugu faca weyn dalka ee Cammuud, waxaanay soo kormeereen qeybaheeda kala duwan. Guddoomiyaha Jaamacadaasi Prof. Saleebaan Axmed Guulleed ayaa weftiga uga waramay xaalada waxbarasho ee jaamacada waxaanu tilmaamay inay wax ka bartaan 2000 oo arday.

    Prof. Saleebaan Axmed Guulleed wuxuu sheegay in jaamacadaha dalka Kenya iyo Jaamacada Cammuud uu ka dhaxeeyo xidhiidh iskaashi oo aad u wanaagsan waxaanu carabka ku dhuftay inay Jaamacada wax ka dhigaan macalimiin u dhashay dalka Kenya.

    Waxaanu Guddoomiye Ku Xigeenka baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin ardayda jaamacada hadal kooban oo uu u jeediyay ku sheegay inay ku dedaalaan ka midho dhalinta aqoonta ay bartaan.

    Md. Macalin, wuxuu is barbar dhigay Somalia iyo Somaliland oo uu tilmaamay inuu meelina tahay meel fowdo ah halka Somaliland-na ay ka jirto nabad ku taagan  cago adag, waxaanu ardayda u soo jeediyay inay xukuumada kala shaqeeyaan adkaynta nabad gelyada dalka.

    Sidoo kale, weftigaasi intii ay joogeen  Magaalada Boorame waxay booqdeen cisbitaalka cusub ee Al-xayaad, oo ah xarun loogu tallo galay in ay wax ku bartaan ardayda wax ka barta kulliyada caafimaadka ee jaamacada Cammuud.

    Dhinaca kale, weftiga waxa maanta maamulka Dawlada Hoose Boorame ay qado sharaf ugu sameeyeen Huteelka Rays ee Magaalada Boorame. Waxa intii weftiga qado sharaftaasi ku gudo jireen Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar gudoonsiiyay buugaag ay qoreen dhalinaro reer Boorame ahi.Weftigu galabta ayay ku soo laabteen magaalada Hargeysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: