SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warsaxafadeed: Wasaarada Arr. Dibada oo Beenisay in Fagadhe Xilkii laga Qaada

    Posted by Sawnews.tk on December 26, 2009

    Jamhuuriyadda Somaliland Republic of Somaliland
    Wasaaradda Arrimaha Debedda Ministry of Foreign Affairs

    Xafiiska Wasiir ku-xigeenka

    Ref: WAD/XWK/1/004/09 Date: 24/12/09

    WAR-SAXAAFADEED

    Waxa Wargeyska Jamhuuriya caddakiisii 4058 ee soo baxay Arbacadii ay bishan December ahayd 23 2009 lagu soo daabacay war Cinwaankiisu ahaa “XUKUUMAADDA MADAXWEYNE RAYAALE OO SI QARSOODI AH XILKII UGA QAADAY SAFIIRKA SOMALILAND U FADHIYA DALKA FARANSIISKA”. Waxa kale oo jirtay in war nuxurkiisu sidaas

    Wasaaradda arrimaha debbadda waxa cadeynaysaa ama biniinixinaysaa in warkaasi sida loo sheegaayo aanu u ahayn waxna uga jirin. Sir iyo Caad toona wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyay Safiir Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) aanay haba-yaraate u jirin ogaalkayo. Balse, waxa jirtay qoraal afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Note Verbale’ oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda taariikhdu markay ahayd 19 October, 2009 taas oo lagu war geliyay wasaaradda arrimaha debedda ee Faransiiska in wakiilkii xafiiska Somaliland ay ku lahayd Paris uu buku ama xanuunsanaayo inta uu ka soo caafimaadaayana uu xilkii sii wada doono ama uu ku-sime ka ahaan doono xafiiska Cali Ismaaciil Xasan oo ah Xoghayha kowaad ahna Wakiilka Ganacsiga (First Secretary and Commercial Attache’) xafiiskaasi. Taasina ma ah wax naadir ku ah nidaamka shaqada xafiisyadda in marka mas’uul ama madax xafiis xanuusado, fasax tago, xil ka qaadis lagu sameeyo in mas’uulka xafiiskaasi ee ku xige ama xeerka iyo sharcigu u ogolaanaayo loo magacaabo ku-simaha xafiiskaasi. Waxa wasaarad ahaan nala gudboon in qoraal war-gelin ah oo denbe oo shaqo ku laabasho ah aanu sameyn doono mar alaalee iyo markii uu safiir Maxamuud soo roonaado oo xaaladiisa caafimaad wax iska bedelaan.

    Wasaaradda Arrimaha Debedda ee JSL waxa Safiir Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) uu ka mudan yahay sharaf, ixtiraam, qadarin, iyo maamuus maadaama uu ka mid ahaa wasiiraddii soo maray wasaaraddan, iminkana uu xil ka hayo. Nagama mudana ama nagama qabato in xilka looga qaado sifo sharciga, nidaamka, anshaxa iyo asluubta dub-lamaasiyadeed intaba baal marsan. Waqtii loo magacaabaayay Safiir Maxamuud xilkan uu hadda hayo ee ah wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska looguma magacaabin si qarsoodi ama suuq madow ah, wax loo yidhaahdo si qarsoodi

    ah ayaa xilkii looga qaadayna iyadda oo aanay jirinba maanu garan! Balse waxa ay noola muuqataa in ay tani ka mid tahay shirqooladda cadowga Somaliland ee uu rabo in shaki, fidno, cuqdada, naxliga, iwm uu ku dhex tuuro bulshadda iyo ummadda reer Somaliland si uu u wiiqo midnimadooda iyo wada-jirkooda.

    ALLAA MAHAD LEH

    Axmed Aden Ismaaciil(Keyse)

    Wasiir-ku-xigeenka

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: