SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Salaadiinta reer Awdal Ma Waxan Ka Filaynaa In Ay Qoryi Inoo Qaybiyaan Oo ay Ina Dagaal Galiyaan?

    Posted by Sawnews.tk on December 25, 2009

    Markasta oo ay dhibaato ama aqabado la soo darsaan dadka reer Awdal waxay indhaha ku jeediyaan Salaadiintooda iyo madax dhaqameedyadooda iyaga oo filaya in ay ka helaan jawaabaha ay markaa rabaan oo ah sidii wax looga qaban lahaa arimaha markaa taagan.

    Waxayna dhagaha u taagaan hadalkasta oo ka soo baxa afka salaadiintooda iyaga oo dadku markaa filaya in salaadiinta uu ka soo baxao war farxadleh oo muujinaya in ay reer Awdal ka guulaysteen cidii ay markaa is hayeen.

    Laakiin fikirkaasi wuxu la midyahay nin inuu kuuli nimo ku shaqaysto raba laakiin aan rabin  in uu boodh jidhkiisa taabto

    Waxana iswaydiin mudan waa maxay waxa dadku ay ka filikaraan salaadiintooda iyo madaxdhaqameed yadooda markay arimuhu murgaan? Maxayse tahay waxa salaadiintu awoodi karaani iyo waxayna awoodi kariniba?

    Hadaba anoo isku dayaya in aan fikirkayga kaga jawabo arimahaa.

    Waxa haboon in aan ogaano in maanta Salaadiinteenu wakhtigan aan joogno oo ah wakhti nabadeed awoodoodu aanay ka weynanyn waxoogaa khiilaaf xalin ah iyo odayaynimo ah.

    Mana aha salaadiintu saraakiil dagaal amaba siyaasiyiin wax ka qaban kara  arimaha ay dadkeenu katabanayaan maamulka maanta jira.

    Dadka reer Awdal waxay had iyo jeer cambaareeyaan salaadiinta marka ay arimo sharaftooda iyo gobolkooda wiiqayaayi la soo gudboonadaan, waxayna bulshda reer Awdal dhamaantood kaga dhawaajiyaan in ay salaadiintu howshoodii ka soo bixi waayeen.

    Tusaale ahaan xaalada hada taagan ee ku saabsan jasiiradaha dadka gaarka ah loo xidhay oo ay salaadiintu isku dayeen in ay bal wax ka qabtaan, ayaa waxay kala kulmeen aqabado kaga yimid dhanka maamulka hargaysaad, salaadiintuna markay ku soo laabteen Borama waxaba inagama qarin oo runt ayay inoo sheegeen.

    Salaadiinteenu ma ay wadan qoryo iyo dibaabado, dagaalna meesha uma ay tagin

    waxayna kaga dhawaajiyeen in laga diiday waanwaantii iyo wanaagii meeshaa ay u tageen.

    Hadaba salaadiintu shaqadoodii way dhamaysteen maadaaba, ay  runta inoo sheegeen inamana oodhan karaan dagaal ayaan idin galinaynaa ama dagaal gala oo waa niman waayeelo ah kana baqaya hadii ay intaa hadalka dhaafiyaan in jeel loo taxaabo. Iyaga oo waliba arkaya tolkood sida maanta uu yahayna midkoodna iskuma keen halayn  karo, oo ilayn geesi il buu diriraaye waayeeladu bustahooga dugsoon kuma doorsanayaan jeel aanu jirin muruqii kasoo furayay.

    Hadaba salaadiintu maadaabay runta sheegeen maaha in aan ka filo in ay qoryo inoo qaybiyaan dhifays yana inoo qodaan ama aan iyaga marmarsiiyo ka dhigano ee cida looga baahanyahay in ay mucaridaan maamulka inagu dul tumanayaayi waa bulshada qaybaheeda kala duwan  oo kala ah

    siyaasiyiinta

    saraakiisha

    waxgaradka

    dhalinyarta

    haweenka

    Hadab nin kasta oo reer Awdaloow markaad salaadiinta ka hadlayso bal adu horta is xisaab salaadiintuna inagama xigaan arimaha aan ka hadlayno iyagaana sida runta ah inooga dadaal badan markaa yaynaan eeda iyaga uun u jeedin oo ynaan ka dhigan mar marsiiyo.

    Inta aan odayaasha duqaha ah canaanayno aaway 30 jirkeeni iyo afartanjirkeenii ma lixdan jir uun baan talo iyo muruqba ka sugnaa.

    Xaalkeenu yaanu noqon in aan abayaasheen iyo awoowyaasheen nidhaano idinku carara anaguna waan tikubaynaaye.

    Cabdale Farah Sigad

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: