SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xidiga wayn ee Lionel Messi ayaa loo boqray in uu noqdo xidiga sanadka ee FIFA (Fifa World Footballer of the Year),

    Posted by Sawnews.tk on December 23, 2009

    Xidiga wayn ee Lionel Messi ayaa loo boqray in uu noqdo xidiga sanadka ee FIFA (Fifa World Footballer of the Year),Se Yaa loo magacaabay Ciyaarahankii igu xumaa sanadkan,juventus oo liic liicaysa iyo tageerashooda oo La ganaaxay se maxa lagu ganaaxay,Jose mourinho oo isna laga yaabo in la ganaaxo”

     
     


                                   messi

    ZURICH:-Weeraryahan kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa loo boqray in uu noqdo xidiga sanadka ee FIFA (Fifa World Footballer of the Year) isaga oo noqday qofki ugu horeeyey oo kasoo jeeda dalka Argentine oo ku guuleysta jaa’isadan.Laacibakn 22 jirka ah ayaa kooxdiisa Barca ka caawiyey Sabtidi lasoo dhaafay koobki lixdaad ee sanadkan 2009,taasoo ah rikoorki ugu horeeyey oo ay koox Yurub ah ama aduunyada ka socota ay sameyo marki ay hanteen sanadkaan kooxda Barcelona lix koob oo muhiim ah.Isla bishaan Messi wuxuu ku guuleystay abaal marinta loo yaqaano Ballon d’Or award oo la siiyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan horyaalada Qaarada Yurub.

    “Sanad ahmiyad sare u leh kooxda Barcelona iyo aniga ayaa waxa uu ku dhamaaday wado aad u wanaagsan,aad ayaan ugu faraxsanahay in aan helo abaal marintaan”ayuu yiri Mesii.

    Waxa uu ka qaaday oo la tartamay xidiga sanadki hore qaaday abaal marintan Cristiano Ronaldo, iyo laacibiinta kala ah Xavi, Kaka iyo Andres Iniesta.Codad ay bixiyeen kabtanada iyo tababarayaasha xulalka Aduunka ee Raga iyo Dumarka,ayaa Messi wuxuu helay codad dhan 1,073 cod, Ronaldo 352, Xavi 196, Kaka 190 halka Iniesta uu helay 134.

    Dhinaca kalana waxaa lagu dhawaaqay kooxda sanadkaan 2009 ee FIFA (FIFPro team of the year) waxaana ay kala yihiin :Casillas; Dani Alves, Evra, Terry, Vidic; Xavi, Iniesta, Gerrard; Ronaldo, Messi, Torres.”

    xidiga kooxda Juventus iyo xulka Brazilian Felipe Melo a yaa shalay loo magacaabay inuu yahay ciyaaryahanka fashilmay oo guuldarystay uguna nasiibka xumaa sanadka ‘Flop of the Year 2009′.

    Qiimeyntaan ayaa lagu qaadaa codad laga qaado dhageystayaasha Radio Rai 2 gaar ahaan barnaamijka ‘Catersport’.Melo, oo laga yaabo inuu noqdo first-choice for Brazil sanadka soo socda koobka aduunka, ayaa Juventus kaga soo biiray Fiorentina sanadkii tagay aduun dhan 25 million euros.Markii uu si awood badan ku bilaabay xagaagaan ayuu bilaabay inuu hoos u sii dhaco todobaadyadii ugu danbeeyay , iyadoo waliba ay ku oriyeen taageerayaasha kooxdiisa.
    Melo ayaa codadkii la qaaday wuxuu ka helay 22.87 percent of the votes, waxaana kaalinta 2ad galay xidiga kooxda Inter Milan’s oo sanadkii abaal marinta ‘Flop of the Year’ heysta kaasoo ah Ricardo Quaresma (20.63 percent) kaalinta 3aad waxaa loo doortay Tiago (9.99 per cent).
    26-sano jirkaan wuxuu nqoday ciyaaryahankii 3aad ee rer Brazil ah oo abaalmarintaan qaata kadib Rivaldo oo 2003 loo doortay iyo Adriano oo qaatay snaadihii 2006 and 2007.
    Difaaca hada u ciyaara Juventus Nicola Legrottaglie ayaa sanadkii 2004 ku guuleystay , sidoo kale weeraryahankii hore ee xulka Italy Christian Vieri ayaa qaatay abaalmarintaasi 2005.
    Sidoo kale Xiriirka k/cakta dalka Talyaaniga ayaa ku ganaaxay kooxda Juventus lacag dhan 10,000 euros oo u dhiganta ($14,330) kadib marki taageerayaasheeda ay ku kaceen fal la xiriira midab kala sooc. Taageerayaasha kooxda Juve ayaa lagu helay isir kala sooc inti ay socotay ciyaar ay kooxda Catania ay 2-1 kaga badisay kooxda Juventus Axadi lasoo dhaafay,iyaga oo taageerayaasha Juve ay ku heesayeen fal lid ku ah ciyaartooyada kooxda Catania.Juve ayaa laga yaabaa in ganaaxa lagu sii badiyo sida lagu sheegay bayaan lagu qoray barta internetka ee xiriirka k/cakta Talyaaniga ee (www.lega-calcio.it).Horaanti xilli ciyaareedkan kooxda Juventus waa la ganaaxay marki taageerayaasheeda ay wax ka sheegeen weeraryahanka madowga ah ee Inter Milan Mario Balotelli gaar iyaga oo ku heesay ma jiro ciyaaryahan madow ah oo ku jira xulka qaranka Talyaaniga.Sidoo kale Jose mourinho ayaa isna laga yabaa inuu ganaax adagi ka dib markii uu suxufi doonayey inuuu warayto uu candhuuuf wajiga kaga tufay,ka dibna kala tuuray, arinkaas oo ay baadhayaan xidhiidhka kubada xagta ee talyaanigu,arinkaasi hadii lagu cadeeyo wuxuu mutaysan doona ganaax adag ,,
     
    Dhinacaa iyo Dalka ingiriiska hadaan u kacno, Halyeyga qadka dhexe ee kooxda Manchester Ryan Giggs ayaa u koedhiyey kooxdiisa heshiiska uu kula joogo marki uu qalinka ku duugay heshiis hal sana ah.Giggs ayaa la sii joogaya kooxdiisa ilaa iyo June 2011,tani ayaa ka danbeysay wacdaro uu dhigay xilli ciyaareedki lasoo dhaafay iyo xilli ciyaareedkan.laacibkan 36 jirka ah ayaa asbuuci hore loo caleema saaray xidiga sanadka ee abaal marinta BBC-da (2009 BBC Sports Personality of the Year award),waxaa uu noqday ninka ugu badan dhinaca billadaha ciyaartooyda kasoo jeeda Boqortooyada Britain.Giggs ayaa u saftay kooxda Man Utd wax ka badan 800 oo kulan isaga oo kulankiisii ugu horeyey u saftay sanadi 1991-kii.Wuxuu la qaaday 11 horyaal oo ah 11 Premier League iyo laba koob oo ah Yurub gaar ahaan Uefa Champions League.Paul Scholes,oo ah 35,ayaa isna lagu wadaa in uu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Manchester..
    22.jpg
    Dhinaca kale Qaranka awdal ama xulka oo awdal ayaa Maalmahan inagu soo socda kulan ciyaar saaxiibtinimo la yeelan doona Xulka socda waqooyi galbeed reer hargaysa iyagoo kula ciyaari doona Goroonka Xasan sheekh Muumin stadium,
     
        by  Muxiyadiin ibraahim qawrax
                qawrax934@hotmail.com
                     www.xanaano.4t.com

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: