SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • XALKA CEELBARDALE IYO SACADIIN MAKEENI KARO SULDAAN JEEB MADHANI EE WAXAA KEENI KARA SANAD MULATARI (Maanso Salsaal)

    Posted by Sawnews.tk on December 23, 2009

    Sida aaynu wada ognahay beel wayta gobolka Awdal waxaa laguhayaa weerar qaawan oo aay ku hayaan labada beelood ee hareeraha ee horayna isku bahaysay ee u walaaloobay cabsida aay kaqabaan beesha awooda badan ee Awdal oo aan dagaal lagaga durkisan karin taako dhulkeeda ah lakiin inta badan looga adkaado marka la adeeg sanayo kalmada abti iyada oo loo soomarayo suldaan jeeb madhan iyo siyaasin aan kalsooni badan qabin taasi waa mida sababtay in beesha Awdal dhulkeedii maanta si nabad galyo ah lagaga fara maroojiyo.
      
    Waxaa is waydiin  mudan xalka bulshada Awdal muxuu kujiraa waxuu kujiraa in aay sacabo tunka shisheeyaha iyo cadow gooda aay u sacabo tumayaan dhaafaan oo aay wada tashi kasameeyaan inay siyaasadooda iyo ganacsigoodaba u madax banaanadan.
    Hadii aanay wada tashi kasamayn waxaa dhici doonta in xididada loo saaro dhamaanba dhulka aay beeshu ku sheegato dagaan ahaan somaliya, bal saadasha muuqata waxaan isu dayayaa inaan suganyar ku cabiro meesha aay marayaan bulsho waynta Awdal:
    Samaroon salsaal  baa  ku dhacay  saacan  maanta ahe 
    Sibraha iyo boqon tays  jareen subac kaliileede
    Sabar kiyo laftooday jabsheen goor saluug jirae
    Surgin bay dhamaantod sudheeg dhuunta seerkaleh e
    Dhulkii laga suqyoo uma u hadhin seer gal iyo mayle
    Sacadiina maantay tagtiyo saylac iyo xeebe
    Seeraha wajaaliyo ilaa gabilay suunteeda
    Sinta buurta mudha iyo ilaa agabar soogeeda
    Ceel sheekh sakada loo baxshaan cidi saluugayne  
    Sabadadaad lahaydeen ragbaa soo dagoo yimide
    Malaha waad siloontiin  tolkoow sidani waa  yaabe
    Saablaydo idin dhiigaysaad sacab garaacdaane
    Sabaacii xaqiinii lunshaad saan ugogoshaane
    Kuwii safaradiinii qashaad soodhawoow tidheye
    Ninka waran kusudhay ee kufaad soo kacleedahaye
    Sinbiidhiyo nin qodax kuu dhigaad sogob uloogtaye
    Xaajadu masaalono oo waydin sidataaye
    Qoomamkii salguuraad kolay sawir wadaagtane
    falastiin dariiqay martaad maanta socotaane
    Sarta qudhunsan ee ceelbadiyo saylac iyo xeebtu
    Suldaan loo diriyo ma anay rabin saaqid jeeb madhane
    Sanad mulatariyo waxay rabtaa sooljar dhiig kulule
    Marka ay  sun iyo boog dhasheen galowga soor yeeyno
    Oo aay siloonato aay sar iyo ciin daaqdo
    Ee aay salguurta  malay samo yimadaane
    Salabkiyo hubkiinii gurtoo xaaqa sabadkiina
    sidii rooble seef aan galwadan garabka sii saarta
    Geedi malable suu yeeli jiray samayda dhiigeeya
    Sidii geele waran geerarwayn gawda kaga saara
    Gayigaynu leenahay waryaan cadawgu soogadhin 
    Uguntada marlay geeska waaw gacan saraysane
     
    by farhan adan warsame
       adwarsam1@yahoo.com  
     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: