SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shir jaraa’id oo ay Maanta Ku qabteen Magaalada Borama salaadiintii iyo cuqaashii ku maqnayd Gobolka Salal + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on December 23, 2009

    altaltalt

    Borama(Sawnews) Maanta ayaa magaalada Borama waxaa soo gaadhay salaadiintii iyo cuqaashii ka socotay gobolada Awdal iyo salal ee dhawaan safarka ugu baxday Gobolka salal caasimadiisa Saylac, hadaba isla waqtigii ay soo gaadheen iyaga oo aanan nasan ayaa waxa ay Hotel Rays ku qabteen Shir jaraa’id oo ay kaga warbixinayaan bal xogtii ay ka soo uruririyeen Gobol waynahaa Salal. >>HALKAN KA DHEGAYSO

    Waftigan salaadiinta ah ayaa waxaa ay Doorteen afhayeen magacooda ku hadlaya oo ah Suldaan  Xasan Xaddi oo ku naanaysan Suldaan Baade, Suldaanka ayaa waxa uu hadaladiisii ku bilaabay Mahadnaq iyo Shukri Eebe , ka bacdi Suldaanku waxa uu sheegay in Safarkii ay ubaxeen iyo bal wixii ay kula soo kulmeen, Suldaanku waxa uu  yidhi markii aan gaadhnay Saylac Maamul iyo shacaba aad ayaa naloo soo dhaweeyay si wanaagsan oo xushmad iyo qadarin ku dheehantahayna waa na loo marti galiyay, waxa kale oo uu sheegay in hawlihii ay utageen oo ay ugu muhiim sanayd tan Jazeeradaha ayaa waxa uu ka sheegay in ay usuuro galiwayday inay gaadhaan jazeeradaha.

    Suldaanku isaga oo arinkan Jazeeradaha ka hadlaya waxa ayuu yidhi arinkan  waa la cadeeyay waxaana cadeeyay ayuu yidhi maamulka joogaa waxa uuna yidhi in lacalaamadiyay oo foostooyin Sibidh lagu shubay lagu wareejiyay,Dadwaynaha joogaana waaa uu cadeeyay ayuu Yidhi Suldaanku.

    Suldaanku waxa uu yidhi waxaan Go’aansanay Markale Wax fadqalalo ah aanu abuurin ee aan nabad iyo caano ka soo noqono Dabadeedna markaan Borama Nimid dib utashi danbe galno wixii halkaa laga yeeli lahaa iyo wixii ay ku dhamaan lahaydba inaan Go’aan danbe dib ugalno oo aanu qaadano sidaas ayuu go’aankayagu yahay ayuu yidhi suldaanka ku hadlayay afka salaadiinta waxa uuna hadalkiisii ku soo gabagabeeyay inay markale ay shir jaraa’id oo kan ka faahfaahsan ay qaban doonaan marka ay iyaga iyo Bulshada ay hogaamiyaan ay dib isku arkaan.

    Kaasi waxa uu ahaa shirkii jaraa’id ee ay maanta ku qabteen Hotel Rays salaadiinta iyo cuqaasha ka soo jeeday gobolada AWDAL IYO SALAL. Ee ku saabsanaa qadiyad in dhawaalaaba ay hadal  haynteedu ay ku badnayd goboladan awdal iyo salal ee ahayd in la iibiyay jazeeradaha  SAACADIIN IYO CEEBAAD oo labaduba ku yaala xeebaha dhaadheer ee gobolka SALAL uu leeyahay.

    alt

    alt


    alt
    Boramanews.Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: