SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maamulka Gobolka Selel oo Amar Ku Siyey Salaadiin Isugu Jira Gobolada Awdal Iyo Selel Inay Ka Baxaan Gobolka

    Posted by Sawnews.tk on December 23, 2009

    Boorama (Sawnews) – Wararka ka imanaya Magaalada Saylac ee G/selel, ayaa sheegaya in masuulyinta Gobolku ku amreen inay ka baxaan ku dhawaad 10 ka mid ah hoggamaiye dhaqameedyada  labada gobol ee Selel iyo Awdal, oo doonayey inay soo eegaan xaaladda Jasiiradda Saacaddiin.  Isla wararka ka imanaya magaalada Saylac, ayaa sheegaya in maamulka gobolka Selel iyo ciidamada amniga Somaliland inay salaadiintaas iska hortaageen inay tegaan Jasiiradda Sacaadiin, ka dibna Sida la sheegay amar ku bixiyeen inay ka baxaan gobolka, taasina ay keentay in salaadiintaasi haatan dib ugusoo jeedaan magaalada Boorama oo ay ka ambabaxaeen  afar casho ku dhawaad ka hor.

    Wararkan ayaa sidoo kale sheegay in amarka msuulyiinta G/selel uu ka dambeeyey cadho xukuumadda Soomaaliland ka muujisay socdaalka salaadiintaasi ku tegeen Saylac, iyagoo ka jawaabaya qaylodhaan ka timi degaankaasi.

    M a jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca salaadinta, balse wasiirka hiddaha iyo dalxiiska, kanasoo jeeda Gobolka Selel, ayaa warbaahinta Soomaaliland u sheegay inaan waxba lagala socodsiin socdaalka salaadinbtu halkaa ku tegeen, Sidaa arteedna ay sharcidarro tahay in hoggaamiye dhaqameedyo tiradaa le’eg oo an la ogeyn waxay u socdaan dhulkaasi tegaan, iyagoo anay dawladdu la socon.

    Hadalka wasiirka ayaa sidoo kale loo fasiran karaa inaan guud ahaanba gobolkaasi, oo dhawaanta xukuumadda Somaliland ka jartay gobolka Awdal, cid  magac beeleed huwani halkaa tegi karin, iyaga oo aan kala tashanin xukuumadda Madaweyne Rayaale.

    Si kastaba ha ahaatee weli lana oga waxay salaadiinta reer awdal kulasoo guryo noqon doonaan Boorama, balse sida la sheegeyo waxay tallabadan uu maamulka Selel ku amray inay salaadiintu gobolka ka baxaan loo qaadan karaa dhoolatus kiu saabsan awoodda maamul ee dawladda Soomaaliland ku leedahay dhulkaasi iyo awoodda salaadinta reer awdal ee degaankaasi.

    Ugu dambayntiina khilaafka ka dhashay Jasiiradda Saacaddiin, ayaa markii ugu horreysay xamaasaddeedu isku keentay tiro intaa le’eg oo ka tirsan salaadiinta gobolka Awdal iyo Selel, iyaga oo aad moodo inay ka midaysan yihiin aayaha Jasiiradda iyo Cid mulkiyadeeda lah.

    Maxamed Cumar – Hyena

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: