SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Faalo: Khilaafka Ka Taagan Jasiiradda Sacaaddiin oo Sii Laxaadsaday Iyo Wada Hadalo u Dhexeeyey Maamulka Gobolka Selel Iyo Salaadiinta Awdal oo La Isku Mari Waayey

    Posted by Sawnews.tk on December 22, 2009

    weriye-maxamed-cumar-hyena-small1 Boorama (Sawnews) – Wararka ka imanaya xeebaha galbeedka soomaaliland, ayaa sheegeya in khilaaf xoog lihi ka dhex taaganyahay maamulka Gobolka Selel iyo ku dhawaad 11 xubnood oo isugu jira salaadiin iyo madax dhaqameedyo kasoo jeeda G/Awdal, oo dhawaanta socdaal ku tegey degaankaasi. Sida wararku sheegeyaan shir ay isugu yimaaddeen salaadiinta iyo madax dhaqameedya G/awdal iyo  masuulyiinta dawladda Soomaaliland ka jooga halkaasi, kuna saabsanaa aayaha Jasiiradda Saacaddiin, ayaa wadahadaladaasi istaageen ka dib markii labada dhinac isku afgaran waayeen booqasho ay damacsanayeen hoggaamiye dhaqameedyada reer Awdal inay ku tegaan Jasiiradda Sacaaddiin, balse sida la sheegay xukuumaddu iska hortaagtay.

    Waxa kale oo ay wararku intaa ku dareen masuulyiinta G/Selel oo socdaalka salaadiintaan marka horeba u arkayey khalad, ayaa waxay sida la sheegay gaashaanka ku dhufteen gebi ahaanba joogitaanka salaadiinta reer Awdal ay joogaan degmada Saylac, iyaga oo ku tilmaamay inuu ujeedadiisu tahay “xaalad abuur”. Sidaa darteedna loo baahanyahay inay salaadiintaasi joojiyaan socdaalkooda, balse dhinaca kale wararka kasoo baxay ayaa sheegay in salaadiintaasi ka go’antahay sidii ay meesha uga saarin lahaayeen iibka la sheegay in Jasiiraddaasi iyo meelo kale oo ku yaal Gobolka Selel laga iibiyey ganacsato reer Jabuuti ah, iyada oo xukuumadda Soomaaliland   badhi itaalayso iibkaasi.

    Ismaandhaafka Salaadiinta Awdal iyo maamulka Gobolka Selel, ayaa hada u muuqda mid aan xal lahayn, balse sida qaar ka mid ah dadka la socda xaaladda dhulkaasi ii sheegeen, ayaa waxa jirta waan waan loogu jiro sidii ay mark kale masuulyiinta Gobolka Selel iyo salaadintaasi iski arki lahaayeen, isla markaana loo balmo sidii wadahadaladaasi loosii wadi lahaa, loogana saari lahaa mugdiga ay galeen.

    Inkasta oo anay weli salaadiintaasi iyo maamulka gobolku wax war kasoo saarin muranka Jasiiradda Sacaaddiin ka taagan, balse warar ku dhaw dadweynaha la socda arrimahaasi, ayaa ii sheegay in socdaalka salaadinta ee degaankaasi keenay xamaasad iyo qiirto ka dhan ah xukuumadaha Soomaaliland iyo Jabuuti, kuwaas oo loo arko inay barakicinayaan qawmiyad dhan oo degaankaasi ku noolaa  boqolaal sannadood, sidaa darteedna anay salaadiintaasi ka muuqan jixinjix  ama cabsi kaga timaadda hanjabaadaha Xukuumadaha Somaliland.

    Waxaana laga yaabo inay Salaadiintu halkaa sii joogaan todobaadyada soo socda, haddiiba an xoog miltari loo adeegsan ka bixitaankooda gobolkaasi. Waxayna aragtida dadka degaankaasi haatan ku sugan u egtahay inay sugayaan wixii talaabo ah ee ay xukuumadaha labada dawladood qaadi doonaan.

    Wararka kale ee ka imanaya degaanka Saylac, ayaa sheegaya in halkaasi lagu shubay malaayiin isugu jirta lacagaha faranka Jabuuti, Shilin Soomaaliland iyo Doolarka maraykankaba, taasoo loogu talogalay sidii loo kala furfur lahaa salaadiinta reer Awdal, mawqifkooda dhulkaasina uga qaadan lahaayeen aragtiyo kala duwan oo loogu hiilinayo maamulayaasha labadaa dawladdood.

    Si kasta ha ahaatee culayska labada dawladood ee jabuuti iyo Soomaalilabd saareen salaadiintaasi, ayaa ah mid muujinaysa shaki laga qabo inuu jiro heshiis lagu gaadhay in dhulkaasi xeebah ah ee degaanada Lughaya iyo Saylac oo hore uga tirsanaan jiray Awdal, gacanta loo geliyo dalal kale ama beelo kale oo ka baxsan kuwa haatan degaaan ahaan hoos yimaadda.

    weriye-maxamed-cumar-hyena1

    Weriye Maxamed Cumar – Hyena

     

    Maxamed Cumar – Hyena

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: